Home » L’UA REND HOMMAGE AU PERSONNEL DE LA POLICE OUGANDAISE POUR SA CONTRIBUTION À LA PAIX EN SOMALIE

MIDOWGA AFRIKA CIIDAMO KA TIRSAN BOOLISKA UGANDA KU SHARFAY KA-QAYBQAADASHADA NABADDA SOOMAALIYA

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 20 Maarso 2024 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku ammaanay xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Uganda (FPU) in ay si hawlkarnimo ah u hirgeliyeen waajibaadka Hawlgalka iyo taageeridda karti-dhiska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Iyadoo guddoominayso munaasabad billad sharaf lagu guddoonsiinayay, Taliyaha Booliska ATMIS, Taliso Hillary Sao Kanu ayaa ku bogaadiyay ciidamada booliska Uganda sida nafhurnimada leh iyo sida ay uga go’an tahay howlgallada taageerada nabadda ee Soomaaliya in kastoo ay jiraan caqabado badan.

160 ka mid ah shaqaalaha UFPU oo soo dhammeystay socdaalkoodii shaqo ee ay ku joogeen Soomaaliya ayaa bilado sharaf iyo shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay munaasabaddan aadka u qurux badan ee lagu qabtey saldhiga Al-Jazeer ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan militeriga iyo booliska ATMIS ayaa munaasabadda ka soo qaybgaley, oo ay uu ka mid yahay Taliye Ku-xigeenka Booliska ATMIS, Taliye Martin Amoru; Ku-simaha Isuduwaha Hawlgallada Booliska ATMIS iyo FPU, Richard Evans Onyait; iyo Sarkaalka Maamulka U Qaabilsan Qaybta Ciidamada Militeriga Uganda, Korneel Emmanuel Ewana.

“Waxaad taageero u fidinayseen ciidamada Booliska Soomaaliya marka la eego hawlgallada, galbinta iyo towjiihinta. Waxay wax badan ka barteen indha-indhaynta habka aad hubkiinna u qaadataan, qaabka muuqaalkiinna, iyo heerka sare ee disbiliinka aad muujisaan. Dabeecadiinna waa hal hab oo aqoonta ugu gudbinaysaan iyagga,” ayay ku tiri Taliye Kanu qudbadii ay u jeedinaysay hawlwadeennada booliska.

Waxay sidoo kale ku ammaantay dowladda Uganda iyo hoggaanka ciidamada Booliska Uganda in ay taageero saad iyo hagid u fidiyeen saraakiisha ka hawlgalla hawlgalka ATMIS.

“Waxaan aad ugu faannaa disibiliinkeenna, ballanqaadkiinna, in kastoo ay caqabado jiraan. Shaqada aad halkan ka qabateen, waxaa la xusuusan doonaa marka taariikhda dariiqa nabadda iyo dib u soo kabashada Soomaaliya laga sheekaynayo,” ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliska ATMIS, Taliye Martin Amoru.

Dalka Soomaaliya, Ciidamada Booliska Uganda ayaa la hawlgalla dhigooda Gaana, Nayjeeriya, iyo Sierra Leone. Waxay galbiyaan Saraakiisha Booliska Gaarka ah (IPOs) markay ku jiraan waajibaadyada towjiihinta, sugidda amniga goobaha dowladda ee istiraatiijiga ah, iyo sameynta roondeyn wadajir ah oo ay la sameynayaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidamadeenna FPU guushooda waxaa sabab ay shaqo-kooxeed, iskaashi iyo isuduwid waqti habboon dhaca oo ay la yeeshaan ciidamada ammaanka kale. Waxaan doonayaa in aan ku nuuxnuuxsado ballanqaadkeenna ee qabashada hawlaheenna la noo xilsaarey si loo gaaro hawlgabka booliska ATMIS ee taageeridda hannaan amni oo ay dowladdu hormuud ka tahay in laga hirgeliyo Soomaaliya,” ayuu yiri SSP Juventine Euku, taliyaha Qaybta 11 ee Booliska baxaya.

 

You may also like