Home » Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa soo gebagebeeyey wajigii koowaad ee dhimista ciidamada – oo lagu wareejiyey labadii saldhig ee u dambeeyay

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa soo gebagebeeyey wajigii koowaad ee dhimista ciidamada – oo lagu wareejiyey labadii saldhig ee u dambeeyay

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 30 Juun 2023 – Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo gebagebeeyey wejigii koowaad ee dhimista ciidamada kadib markii ay ku wareejiyeen labadii saldhig ee udanbeeyey ee kala ahaa, Aljazeera 1 ee Muqdisho iyo Gherille oo ka tirsan maamul goboleedka Jubaland.

Iyadoo la kaashanayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), wadar ahaan 7 saldhig oo loo qoondeeyay in lawareejiyo si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari. Dhammaan todobadii Saldhig, oo ay ku jiraan – Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF).

Labadii ugu dambeysay ee la wareejiyey oo kala ahaa Saldhiga Gherille oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa Ciidamaka Kiinya ee qaybta ka ah ATMIS halka Saldhiga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka caasimadda Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah ATMIS.

Saldhiga Magaalada Gherille oo ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa taliyaha ATMIS ee Saldhigaas, Gash. Terence Shitanda Soita, waxa uu xaruntan ku wareejiyay taliyaha ciidamada Amaanka Jubaland (JSF) ee saldhigaas , G. Dhexe. Salan Afey, ka dib munaasabad ka dhacday xaruntaasi. waxaana goob joog ka ahaa saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada ATMIS iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada ATMIS ee Kenya ee fadhigoodu yahay Burahache, G. Dhexe Andrew Kamau Nganga, ayaa ku tilmaamay xil wareejinta mid taariikhi ah, wuxuuna ku ammaanay Ciidamada Amaanka Soomaaliya wadashaqeynta ay la lahaayeen. Wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo wadashaqeynta.

“Waxaan wali sii wadi doonaa inaan si dhow ula shaqeyno taliyaha imaanaya iyo kooxdiisa si aan u taageerno si ay naftooda u dhistaan,” ayuu yiri G.dhexe Nganga.

Taliye ku xigeenka ciidamada Amaanka Jubbaland ee gobolka Gedo G. Sare Nuur Cabdi Xuseen ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS ee Kiinya sida ay uga qeyb qaadanayaan dadaallada socda ee lagu soo celinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Mid ka mid ah naf-huridda ugu weyn ee uu qof samayn karo waa inuu dhiiggiisa kuu daadiyo adiga dartaa, waana sida ay Ciidanka kiinya u sameeyeen Soomaaliya. Kenya waxay la mid tahay gacanteena midig. Aad bayna noo taageereen,” ayuu yiri G. Sare. Nuur.

Taliyihii hore ee Ciidanka Kiinya ee qaybta ka ATMIS ee Saldhiga Gherille, G. Shitanda, ayaa sheegay in Saldhigan uu qeyb qaatey sugida amniga iyo ammaanka gobolka, isagoo fududeeyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

“Saldhigan waxa uu ahaa mid ku yaala meel muhiim ah oo laga qaadijirey weeraro iyo howlgalo wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan. Anagoo is kaashaneyna walaalaheen, waxaan sameynay barnaamijyo latalin ah, waxaana ku kalsoonahay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay heleen awooddii loo baahnaa si ay u sii wadaan howlgallada,” ayuu yiri G. Shitanda.

Madaxa howlgallada ciidamada ATMIS, G.Sare Milton Katarinyeba oo isna ku sugan saldhiga magaalada Gherille ee la wareejinayay ayaa ka codsaday ciidamada ammaanka Jubaland inay feejignaan muujiyaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Federaalka si loo sugo ammaanka dadka deegaanka.

Xerada saldhiga Tababarka ee Al-jazeera 1, ayaa waxa wareejiyey Taliyaha qeybta ATMIS ee Uganda, Sare. Gu Peter Omola, kuna wareejiyay G.Sare Axmed Maxamed Xasan oo ah La-taliyaha Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaalya.

“Intii ay jirtay xeradan, waxaan sameynay dhowr koorsooyin oo latalin ah oo ay ku jiraan, Alaabada Qaraxyada (EOD), Aaladaha Qarxa Kahortaga (IED), iyo tababaro ka mid ah dadaallada kale ee kor loogu qaadayo awoodooda ,” ayuu yiri Sar. G. Omola.

G.Sare Axmed oo soo dhaweeyay wareejinta Saldhigan , ayaa ku ammaanay Midowga Afrika dadaalka ay ugu jiraan soo celinta ammaanka Soomaaliya.

“Waxaa sharaf noo ah markii ATMIS iyo hawlgalkii ka horeeyey AMISOM ay qaadeen mas’uuliyadda amniga Saldhigyadan gaar ahaan Al-jazeera 1, oo ahayd saldhiga tabobar” ayuu yiri G.sare. Axmed.

“Waxaan uga mahadcelineynaa waqtiga iyo dadaalka Ciidanka Yugandha iyo shaqada weyn ee ay qabteen” ayuu raaciyay.

Madaxa hawlgalada ee ATMIS, G. Sare Bosco Sibondavyi, oo wakiil ka ahaa Taliyaha Ciidanka, ayaa sheegay in xil wareejinta Saldhigyada ay muhiim u tahay hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP), Fikradda Hawlgallada (CONOPS) iyo Fulinta Qaraarada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Ee kala ah 2628 iyo 2670 (2022).

You may also like