Home » CIIDANKA BOOLISKA ATMIS AYAA BOOLISKA SOOMAALIYEED U TABABBAREY BAARISTA DEMBIYADA MAALIYADAHA

CIIDANKA BOOLISKA ATMIS AYAA BOOLISKA SOOMAALIYEED U TABABBAREY BAARISTA DEMBIYADA MAALIYADAHA

by Alex Kithumbu

Muqdishu, 21 Maarso 2024 – Shan-iyo-labaatan askari oo ka tirsan ciidamada danbi baarista ee Booliska Soomaaliyeed (CBS) ayaa dhammeystay tababbar soconayay muddo shan maalmood ah oo ku saabsanaa sida loo baaro dambiyada maaliyadeed si dowladda Federaalka ay uga caawiyaan la dagaalanka kooxaha taageera argagixisada.

Tababarkan, oo ay soo qaban qaabisay qaybta Booliska ee Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka qeyb-galayaasha lagu barayay xirfado ku saabsan sidii loo ogaan lahaa dambiyada ay ka midka yihiin dhaqista lacagaha, maalgelinta argagixisada iyo macaamulaadka kale ee sharci-darrada ah.

“Tababbarkani waxa uu bixinayaa fursad muhiim ah oo aan ku sii qoto dheeraynayno fahamkeena ku aaddan hababka sirdoonka maaliyadeed, agabka, iyo farsamooyinka dembi baarista,” ayuu yiri Taliye Samuel Asiedu Okanta, Isuduwaha Koboca iyo Tababbarka Booliskathe ATMIS.

“Maaddaama adduunku uu noqday meel isku-xirnaantiisa sii kordheysa oo adag, awoodda ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku fahmayaan ayna si hufan ugu falanqeynayaan macaamulaadka maaliyadeed waxa ay noqotay mid aan laga maarmi karin marka loo eego sidii hore,” ayuu raaciyay Taliye Okanta intii ay socotay munaasabadda xiritaanka ee ka dhacday Akademiyada Tababbarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada caasimadda ah, ee Muqdisho.

Tababbarka waa qayb ka mid ah ah dadaallada ay ATMIS wado ee lagu dhisayo kartida Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay si taabogal ah ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga oo dhammeystiran markay ATMIS ka baxdo Soomaaliya bisha Disembar ee sannadkan.

Agaasime Ku-xigeenka Tababbarka iyo Qorsheynta ee Xarunta Dhexe ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Nuur Geedi Maxamed, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu tababbarka u leeyahay Waaxda Dembi-Baarista (CID) si ay u carqaladeyso nidaamyada maaliyadeed ee shabakadaha dembiyada una yareyso dembiyada maaliyadeed ee dalka ka dhaca.

“Tababbarkan Sirdoonka Maaliyadeed wuxuu xoojin doonnaa aqoontiinna iyo xirfadahiinna dembi barista. Waxaad tihiin musharraxiinta ugu wanaagsan ee tababbarkan loo soo xulay iyadoo la adeegsanayo hannaan adag soo xushay,” ayuu yiri Gaashaanle Nuur oo la hadlaya ka-qaybgalayaasha.

Wuxuu kaloo yiri, “tababbarku waa mid muhiim ah oo ku soo beegmay xilli ay jiraan caqabado faraha badan oo Soomaaliya ka haysta la dagaalanka dambiyada maaliyadeed sida lacag-dhaqidda, iyo maalgelinta argagixisada.”

Koorsada ay qabteen tababarayaasha booliska ATMIS, ayaa isugu jiray xiisado nadari ah iyo kuwa gacan ka qabasho ah si loo qoto dheereeyo fahamka iyo awoodda ka qaybgalayaasha ee sirdoonka maaliyadeed, hababka baadhista iyo hababka lagula dagaalamayo dembiyada maaliyadeed, iyo sidoo kale meertada sirdoonka maaliyadeed, iyo mowduucyo kale oo lagu soo qaatay.

Ka qaybgalayaashu waxa kale oo ay qaateen tababbar xooggan oo ku saabsan farsamooyinka aasaasiga ah ee faro-qaadista si kor loogu qaado fahamkooda ku aaddan doorka faro-qaadistu ay ku leedahay ilaalinta caddaaladda, ilaalinta bulshada, iyo hubinta ku dhaqanka sharciga.

You may also like