Home » Les troupes de l’ATMIS formées à la protection des enfants dans les conflits armés

CIIDAMADA ATMIS AYAA LOO TABABBAREY ILAALINTA CARRUURTA XAALADAHA COLAADDA HUBEYSAN

by Alex Kithumbu

Baydhabo, 24-ka Maarso 2024 – Soddon sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo dhameystay tababbar labo maalmood socday oo ku saabsanaa ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelka xaaladaha colaadaha.

Tababbarkan oo ay soo qaban qaabiyeen kutlada ATMIS ee Ilaalinta, Xuquuqul Insaanka iyo Jinsiga (PHRG) oo kaashanaysa kooxda Qaabka Guud ee U-hoggaansamidda iyo Isla-xisaabtanka (AUCF) ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka tirsan Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Madaxa Ilaalinta iyo Xuquuqul Insaanka ee ATMIS, Gloria Jaase, ayaa iftiimisay muhiimadda uu  tababbarkan u leeyahay Soomaaliya, iyadoo tiri, “Tababbarkan waa mid muhiim u ah meelaha ay colaaduhu ka jiraan, Soomaaliyana ma aha mid ka reeban. Dhammaanteen waan ognahay in xaaladaha colaadaha hubaysan, ay carruurtu dhibaatada ugu badan soo gaarto. Sidaa daraadeed, waxaa muhiim noo ah in aan hirgelinno tallaabooyin oo aan dejino qaabab lagu ilaalinayo carruurta xilliyada colaadaha.”

Jaase ayaa carrabka ku adkesay muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo arrimaha ilaalinta carruurta inta lagu guda jiro hawlgallada ciidamada ATMIS iyo wareejinta wejiyeysan ee mas’uuliyadaha amniga lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

“Tababbarka ciidamadeena loo tababbarayo ilaalinta caruurta waxay kor u qaadi doontaa awoodda aan u leenahay la socoshada iyo ka soo warbixinta dhacdooyinka. Marka la ururiyo macluumaadka, waxaan sameyn karnaa barnaamijyo ilaalineed oo waxtar leh,” ayay hadalkeeda kuddartey Ms Jaase.

Ka qaybgalayaashu waxay barteen mowduucyo kala duwan, oo ay ku jiraan dhexgelinta ilaalinta carruurta, xuquuqda carruurta, jaangooyada sharciga, shuruucda gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo shuruucda qaranka Soomaaliya ee ilaalinta carruurta.

Ferdinand Nintunze, Sarkaalka Sare ee Maareynta Kiisaska, Hannaanada iyo Sarkaalka Kayd-xogeedka ATMIS ee AUCF, ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta dadka nugul, gaar ahaan carruurta.

“Carruurtu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dadka rayidka ah, sidaa daraadeed, tababbarka ayaa hiigsanaya in ciidamada Itoobiya lagu qalabeeyo xirfado ay ku ilaaliyaan uguna doodayaan xuquuqda carruurta,” ayuu Nintunze.

Gaashaanle Aman Wako oo ah Madaxa ATMIS ee Xarunta Howlgallada Wadajirka ah ee Magaalada Baydhabo ayaa ku tilmaamay tababbarkan mid wax ku ool ah oo isdhexgal leh, isagoo u mahad celiyay ATMIS oo soo qaban-qaabisay tababbaro qiimo leh.

“Wax badan ayaan ka faa’iidnay tababbarka, gaar ahaan ilaalinta carruurta xaaladaha colaadaha. Waxaan uga mahadcelineynaa ATMIS fududeynta tababbarkan qiimaha badan, waxaana rajeynayaa in casharro kuwan la mid ah ay sii socon doonaan mustaqbalka si aan uga faa’iidaysano,” ayuu yiri Gaashaanle Wako.

You may also like