Home » L’UNITE GHANEENNE DE LA POLICE DE L’ATMIS FORMEE SUR LA PROTECTION DE L’ENFANCE

Cutubka Booliska Dhisan ee Gaana Ee Qaybta Ka Ah ATMIS Ayaa Qaatey Tababbar Ku Saabsan Ilaalinta Carruurta

by Alex Kithumbu

Baydhabo  – Soddon askari oo boolis ah oo ka tirsan Cutubka Booliska Dhisan ee Gaana ee qaybta ka ah Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa dhammeystay tababbar soconayey shan maalmood oo diiradda lagu saarayay ilaalinta daryeelka carruurta meelaha ay colaadaha hubeysani ka jiraan.

Tababbarka oo lagu qabtey magaalada Baydhabo, oo ah magaalo-madaxda maamulka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa hoggaaminayay Kutlada Ilaalinta, Xuquuqda Aadanaha, iyo Jinsiga (PHRG) ee ATMIS oo kaashaneysa Qaabka Guud ee Isla-xisaabtanka iyo U-hoggaansamidda Midowga Afrika (AUCF), Kooxda Isuduwidda Qaybta Madaniga ah ee Baydhabo, iyo Xarumaha Dhexe ee Booliska Midowga Afrika.

Askarta ka qaybqaadaneysa ee ka socota Cutubka Booliska Dhisan ee Gaana (FPU),  ayaa waxaa la barey shuruucda caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ku saabsan ilaalinta carruurta, tacaddiga ku saleysan galmada iyo jinsiga, iyo doorka muhiimka ah ee ay nabad-ilaaliyayaasha ka qaadan karaan khafiifinta saameynta ay colaadda hubeysan ku yeellan karto kooxaha nugul. Hababka dhexgelinta jinsiga iyo korjoogteynta iyo warbixinta ayaa sidoo kale laga hadley.

Madaxa Arrimaha Ilaalinta iyo Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan ATMIS, Gloria Jaase, ayaa sheegtay in tababbarka uu muhiim u ahaa fulinta waajibaadka ATMIS.

“Midowga Afrika wuxuu waajibinayaa in arrimaha ilaalinta carruurta la dhexgaliyo dhammaan marxaladaha hawlgallada taageerada nabadda sababta oo ah carruurtu waa kooxda ugu nugul xaaladaha colaadda hubeysan.”

Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la dhiso kartida askarta booliska ah ee ku sugan goobta Hawlgalka iyo sidoo kale in laga qaybgeliyo dhallinyarada Soomaaliyeed arrimaha la halmaalla nabadda iyo amniga.

“Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan tababbarka waa Ajendaha ku saabsan Dhallinyarada, Nabadda, iyo Amniga, taas oo muhiim ka dhigaysa in dadka da’yarta ah laga qaybgeliyo arrimaha nabadda iyo amniga ee Soomaaliya,” ayay hadalkeeda raacisay.

Sarkaalka Sare oo arrimaha Maareynta Kiisaska, Hannaannada, iyo Kayd-xogeedka u qaabilsan ATMIS ee AUCF, Ferdinand Nintunze, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda qabashada tababbaran u leeyihiin dhamaman qaybaha hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika.

“Tababbarkan aasaasiga ah wuxuu muhiim u yahay dhammaan hawlwadeennada hawlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika, oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan qaybaha militeriga, madaniga ah, iyo booliska. Aqoonta laga barto waxaa lagu dabakhi karaa hawlgallada taageerada nabadda iyo dalalkooda,” ayuu yiri.

Sarkaalka Arrimaha Saadka u qaabilsan ciidanka FPU ee Gaana, Taliye Ku-xigeenka Booliska (DSP) Rejoice Dogbe, ayaa tababbarka ku tilmaamay in uu yahay mid habboon oo dhacaya waqtigii loo baahnaa, kaas oo saraakiisha ka baranayaan aqoonta lagama maarmaanka u ah in la fahmo oo la fuliyo waajibaadka Hawlgalka.

“Tababbarkan kaliya igama caawinaya waajibaadyada iga saaran ilaalinta xuquuqda carruurta ee Hawlgalka wuxuu sidoo kale I caawinayaa markaan dalka dib ugu noqdo,” ayuu yiri Taliye Ku-xigeen Dogbe.

Laba Alifle Elvis Osei-Tutu ayaa muujiyay sida ugu qanacsan yahay tababbarka wuxuunna ATMIS ugu mahadceliyay qabanqaabinta kooraska.

“Waxaan ATMIS ugu mahadcelineynaa sida ay noogu xoojisay shuruucda lagama maarmaanka u ah ilaalinta xuquuqda carruurta ee goobaha ay colaadaha ka jiraan,” ayuu xusay Laba-Alifle Osei-Tutu.

Tababbarkan ka dhacay magaalada Baydhabo, ayaa lagu soo gebbaggebeeyey tababbaro socday muddo saddex bilood ah oo lagu beegsaneeyay 120 hawlwadeenno oo ka kala socday dhammaan afarta qeybood ee Cutubyada Booliska Dhisan ee ATMIS si kor loogu qaado ilaalinta carruurta meelaha ay ka socdaan colaadaha hubeysan.

You may also like