Home » EN VISITE À DHOBLEY, LE REPRÉSENTANT SPÉCIAL DE L’UA INSISTE SUR LA COLLABORATION POUR PARVENIR À LA PAIX EN SOMALIE

WAKIILKA GAARKA AH EE MIDOWGA AFRIKA OO BOOQASHO KU TAGEY DHOOBLEY, AYAA CARRABKA KU ADKEEYAY IN LA ISKA KAASHADO NABADDA SOOMAALIYA

by Alex Kithumbu

Dhoobley, 19-ka Maarso 2024 – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa maalintii Isniinta ahayd booqday magaalada Dhoobley, ee Dowlad-goboleedka Jubaland, si uu u xoojiyo hawlgallada taageerada nabadda ee socda iyo si uu kor ugu qaado niyadda ciidamada Midowga Afrika eek u sugan koonfurta Soomaaliya .

Booqashadiisa waxaa ku wehliyay mas’uuliyiin maamuus leh oo ka socda Hawlgalka Ku-meelgaark ah ee Midowga Afirka ee Soomaaliya (ATMIS), wefdiga Danjire Souef waxaa ka mid ahaa Taliye Ku-xigeenka Ciidamada ee ka mas’uulka ah Taageerada iyo Loojistiga, Sarreeye Gaas Peter Kimani Muteti, iyo Talisada Ciidanka Booliska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu.

Wefdiga ayaa waxaa si diirran u soo dhoweeyay Taliyaha Qaybta Labaad ee ATMIS Sarreeye Guuto Seif Salim Rashid iyo kooxdiisa. Intii booqashada lagu guda jiray, wefdiga ayaa warbixin kooban laga siiyay barnaamijka tababbarka caafimaadka ee ay bilaabeen ciidanka Kenya ee ka tirsan ATMIS si ay u tababbaraan oo ay u jiheeyaan shaqaalaha caafimaadka Soomaaliya. Dadaal ayaa hiigsanaya dhisidda kartida shaqaalaha caafimaadka Isbitaalka Guud ee Dhoobley ee umulisada, habraacyada qalliinka iyo qolka qalliinka, oo ay la socdaan borotakoollada kale ee daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah.

 

Taliyaha qaybta ayaa wefdiga u waday booqasho gaaban oo ay ku tageen saldhiga ATMIS, oo uu ka mid yahay Isbitaalka Heerka Labaad ee Dhoobley. Goobta ay Mas’uuliyadda ka saaran tahay Qaybta Labaad (AoR) oo ah Jabbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) qaybta ATMIS.

Wakiilka Gaarka ah oo la hadlaya ciidamada, ayaa xaqiijiyay in ATMIS ay bixi doonto bisha Disembar, laakiinse in Midowga Afrika uu tixgelinayo in uu Hawlgalka qayb xigta yeellan karo.

“Codsiga rasmiga ah ee Soomaaliya ee hawlgalka in uu qayb kale yeesho ayaa hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo taageero caalami ah oo joogto ah oo lagu xasillinayo gobolka,” ayuu yiri Danjire Souef oo la hadlaya ciidamada Kenya qaybta ka tirsan ATMIS ee jooga magaalada Dhoobley.

ATMIS waxay u diyaar-garoobaysaa dhimista 4,000 askari oo dheeraad ah ee ka baxaya Soomaaliya. Hawlgalka Midowga Afrika ayaa la baxay 5,000 askari wejigii koobaad iyo wejigii labaad ee la soo gebbogabeeyay Juun iyo Disembar ee sannadkii hore.

Danjire Souef ayaa ku ammaanay ciidamada KDF sida ay ugu heellan yihiin hirgelinta waajibaadka ATMIS wuxuunna kula dardaarmey in ay ka feejignaadaan Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale ku ammaanay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya u diyaariyeen in ay mas’uuliyadaha amniga kala wareegeen ATMIS. “Waxaan ku faanaa shaqada wanaagsan ee aad haysaan ee aad ku wiiqaysaan awoodda Al-Shabaab. Waxaan idinku bogaadinayaa naf-hurnimada iyo xirfadlenimada ee aad u soo dhabar adaygteen si loo horumariyo oo loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.,” ayuu xusay Danjire Souef.

You may also like