Home » LA POLICE DE L’ATMIS ORGANISE UN CAMP MÉDICAL GRATUIT ET FAIT UN DON D’ARTICLES VARIÉS À L’ORPHELINAT DE LA POLICE SOMALIENNE

CIIDAMADA BOOLISKA ATMIS AYAA FURAY XERO LAGU BIXINAYO ADEEGYO CAAFIMAAD OO BILAASH AH WAXAYNA AGAB KALA DUWAN UGU DEEQEEN AGOONTA CIIDAMADA BOOLISKA SOOMAALIYEED

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 12ka Maarso 2024 – Iyadoo ah qayb ka mid ah dabbaaldegyada Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, haweenka ka tirsan ciidamada nabad-ilaaliyaasha booliska ah ee Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa waxay soo abaabuleen xero lagu bixinayo caafimaad bilaash ah oo loogu talagalay dhigooda Soomaalida ah waxayna agab ku tabbaruceen xarunta agoonta ay maamulaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed (CBS).

Xerada caafimaadka waxaa lagu qabtey Akademiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye iyadoo agabka kala duwanna loogu deeqay Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee Agoonta, eek u yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Deeqda ayaa ka koobneyd cuntooyinka daruuriga ah sida bariis, baasto, saliid cadey, caana booro, cabbitaan, soodha iyo cusbo.

Waxaa sidoo kale la bixiyay, agabka sida suufka fayadhowrka dumarka, agab waxbarasho sida buugaag, qalin-biiro iyo qalin-qori.

“Waxaan deeqdan u keennay in aan ku taageerno maciishadaha carruurta iskuulkan dhigata iyo sidoo iyo sidoo kale in aan ka caawino hoggaamiyaha iskuulkan sidii looga qaadi lahaa culayska ka haysta xagga waxbarashadooda iyo quudintooda,” ayay tiri Taliso Kanu intuu ay socotey wareejinta deeqda lagu wareejinayay Taliyaha iskuulka iyo xarunta agoonta, Jeneraal Cali Xirsi Barre.

Waxay sidoo kale u mahadcelisay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka sida ay u abuureen jawi ku habboon carruurta.

Iskuulka oo la aasaasay 1962-dii, ayaa waxaa uu hadda hoy u yahay 264 carruur oo agoon ah – 200 oo wiil iyo 64 gabdhood – oo waalidiintoodu, ay ahaayeen saraakiil hore uga tirsanaan jiray booliiska Soomaaliya, ay ku dhinteen iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Taliyaha Iskuulka iyo xarunta agoomaha oo ka mahadceliyey deeqdan ayaa bogaadiyey xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya ATMIS iyo CBS.

“Waxaan doonaynaa in aan uga mahadcelino ATMIS, gaar ahaan saraakiisha haweenka oo ay ku jirto Talisa Booliska ATMIS naf-ahaanteeda deeqda. Anagoo xusayna maalinta caalamiga ah ee haweenka, ayaa waxaan kaaga mahadcelineynaa naxariista aad carruurtan u muujisay,” ayuu yiri Jeneraal Barre.

Intii lagu guda jiray xerada caafimaadka ee lagu qabtay Akadeemiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye, Taliso Kanu waxay muujisay muhiimadda ay munaasabadda u leedahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya booliska ATMIS iyo dhiggooda CBS.

“Waxaan si gaar ah u xusaynaa maalinta haweenka aduunka anagoo wax ku tabbaruceysa gabdhaha walaalaheenna ah. Fikradda ayaa ku saabsan kor u qaadista iyo taageeridda shaqada haweenka booliiska,” ayay tiri taliso Kanu.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan arrimaha Jinsiga Xiddigle Ubax Bashiir Ibraahim oo ku hadlaysay magaca Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey kaalmada caafimaad ee ay ka heleen ATMIS.

“Aad iyo aad ayaanu uga mahadcelinaynaa, waanna kaaga mahadcelinaynaa taageeradiina. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay idinkaaga mahadnaqayaan kaalmada caafimaad ee aad na soo gaarsiiseen,” ayay tiri Xiddigle Ubax.

You may also like