Home » ATMIS OO KA GO’AN IN AY SI HABSAMI LA’AAN AH U WAREEJISO AMNIGA SOOMAALIYA

ATMIS OO KA GO’AN IN AY SI HABSAMI LA’AAN AH U WAREEJISO AMNIGA SOOMAALIYA

by Alex Kithumbu

Muqdishu, 13-Ka Maarso, 2024– Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa wuxuu xaqiijin doonnaa in uu si aan kala go’lahayn u wareejiyo mas’uuliyadaha amniga ka hor inta aanu ka bixin dalka Geeska Afrika ku yaalla.

“ATMIS waxaa si buuxda uga go’an hannaanka kala-guurka, kaas oo gaarey heerka wareejinta mas’uuliyadaha buuxa ee amniga oo lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (CAS) dhammaadka bisha Disembar, 2024,” Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay  Carbacadii si wadajir ah u qabteen isaga iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys, Villa Somalia.

Danjire Souef, si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay wareejinta horusocodka ah ee mas’uuliyadaha amniga  ee lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya in ay la socdaan tageero ku filan meelaha kale ee muhiimka ah si loo adkeeyo guulihii ay adkeyd in la soo hooyo ee laga gaarey sugidda amniga Soomaaliya.

“Waxaa sidaa daraadeed lama huraan ah in dhammaan bah-wadaagta ay dadaalladooda iyo taageeradooda ay waafajiyaan xaaladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo isuduwidda habsami la’aanta ah iyo kala-guur lagu guuleysto oo sare u qaadaya xasilloonideeda iyo horumarkeeda mustaqbalka fog,” ayuu xusay Danjire Souef.

Qayb ka mid ah hannaanka kala-guurka ahaan, ATMIS waxay Soomaaliya kala baxday 5,000 oo askari waxayna Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ku wareejisay 13 saldhig militeri intii lagu guda jirey wejiya koowaad iyo kan labaad ee dhimista ciidamada ee la soo gebbogabeeyay sannadkii la soo dhaafay.

Wejiba saddexaad, oo beegsanaya 4,000 askari, waxaa loo qorsheeyay in uu dhaca dhammaadka bisha Juun ee 2024.

“Iyadoo qayb ka ah hannaanka qorsheynta, wadahadallo furo oo wax dhisaya ayaa durba bilowday iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgelinayso casharradii laga bartey wejiyadii hore,” Danjire Souef ayaa sidaa xusay.

Wuxuu Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeedba ku ammaanay in horumar mug leh ka sameeyeen dib-u-soo-kabashada sida lagu muujiyayba markii uu dhowaan dalka ku biirray daladda ganacsiga ee Bulshada Bariga Afrika.

Wasiir Aweys ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho u xaqiijiyay bedqabkooda iyo amnigooda inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadhaan.

“Sannadkan, marka kale, ciidamada ammaanka waxaa ka go’an xaqiijinta amniga magaalada iyo ka hortagga isku-dayo kastoo ay kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab sameyso si ay u carqaladeyso nabadda iyo amniga shacabka,” ayuu yiri Wasiir Aweys.

Wuxuu sidoo kale shaaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guda jirto geeddi-socodka ay ku soo geboggabeynayso dib-u-eegista dastuurka dalka oo damaannad-qaadaya metelaad loo dhan yahay iyo maamul wanaag.

“Gebogabbeynta dib-u-eegista dastuurka ayaa inoo suuragelinaysa in aan helno nidaam awood iyo karti leh oo dammaanad-qaadi kara xasilloonida siyaasadeed ee dalka iyo soo afjaridda geeddi-socodka dhaba-dheeraaday ee suuragalinay in dalku uu yeesho dastuur wax-ka-qabanaya baahiyada hadda ee dhisidda Soomaali mideysan, nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiir Aweys.

You may also like