Addis Ababa, 8-da Abriil 2022: Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, H.E. Moussa Faki Mahamat, ayaa walaac ka muujiyay War-Saxaafadeed dhawaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, kaasoo ku aadanaa shaqada Wakiilka Guddoomiyaha Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.
Isla arrintan, Guddoomiyaha wuxuu si mahad-naq leh u xusay, warqadda rasmiga ah ee ku taariikhaysan 7 Abriil 2022 ee uu soo saarey Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed kaas oo ka xumaaday soo saarista war-saxaafadeedka uu kor ku xusay, isagoo dhanka kale caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wadato xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeya Danjire Madeira gaar ahaan, iyo guud ahaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS).
Guddoomiyuhu wuxuu markale xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo aaminsanaanta uu u qabo Danjire Madeira wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dadaalkooda ay ugu jiraan soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni.
__________________________________
Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriiri
Snr. Communications Officer or Force Spokesperson
Ms. Gifty Bingley or Lt. Col. Daniel Mugoro Muiruri,
Email: au-amisomhom@africa-union.org
Cell phone: (Somalia) +252 617 682 175/+252 613 665 356; (Nairobi) +254 722 788 975