Home » Statement by ATMIS on lockdown of Halane Basecamp to secure the swearing-in of Somali Members of Parliament

Bayaan kasoo baxay ATMIS oo khusaynaya bandowga Xalane iyo dhaarinta Xildhibaannada Baarlamanka

by Alex Kithumbu
ATMIS PRESS-STATEMENT-1

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho – 10-ka Abriil 2022:  Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya ( ATMIS) wuxuu jecel yahay inuu sharraxaad ka bixiyo wargelin rasmi ah oo uu sameeyey (ATMIS/HOM/1424.22) oo ku taariikhaysan 8-da Abriil 2022 kaa soo ku saabsan bandow buuxa oo ka dhacaya Xerada Xalane 10-16 Abriil 2022.

Bandowgan buuxaa waa tillaabo taxaddar ah oo joogto ah oo uu howlgalku isticmaalayey tan iyo markii uu bilowday 2007-dii si looga hortago in argagixisadu ay jebiyaan hannaanka ammaan ee Xerada Xalane xilliyada ay jiraan halisaha ammaan ee sare, xilliyada dabbaaldegyada iyo howlaha kale ee dowladda iyo saaxiibbada.

Bandowgii ammaan ee ugu dambeeyey ee Xerada Xalane wuxuu dhacay min 17-dii Diseembar 2021 ilaa 8-da Jannaayo 2022 (oo ku beegnayd fasaxii dhamaadkii sanadka).

Bandowgii maanta bilowday ee dhammaanaya 16-ka Abriil 2022, sina looguma tala gelin inuu carqaladeeyo, dib u dhac khasbo, ama uu wax u dhimo munaasabadda dhaarta ee xubnaha cusub ee Baarlamanka ama howl kale oo doorasho ama ay dowladdu ka leedahay Xerada Xalane.

Ujeedka qura ee laga leeyahay waa fududaynta howlaha lagu sugayo in ammaanka xeradu uu noqdo mid hubban iyo meel ammaan ah xilliga doorashada, oo ay ku jirto munaasabadda doorashadu, dabbaaldegga sanad-guurada 62-aad ee asaaskii Ciidamada Xoogga Dalka iyo dhammaanba xilliga Ramadaan.

ATMIS waxay la shaqaynaysaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) si loo hubiyo in dhammaystirka geeddi-socodka doorashada si loo hubiyo inay ku dhacaan jawi rabsho ka caaggan.

Si ka mid ah sharciyaddeeda, oo ay ka mid tahay ilaalinta ammaanka doorashada, Xerada Xalane, Villa Somalia iyo kaabayaasha kale ee Soomaaliya, ATMIS waxaa ka go’an inay la shaqayso wasaaradaha muhimka ah ee ka midka ah DF si loo sugo ammaanka goobaha doorashada iyo musharrixiinta.

_________________

Wixi faahfaahin dheeraad ah la xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Afhayeenka Ciidamada: Kornayl Daniel Mugoro Muiruri,

Limeyl:: Atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252617682/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like