Home » Le Parlement Fédéral de la Somalien élit ses Présidents et Vice-Présidents

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Doortey Guddoomiyayaal & K/X/Geenadooda

Le processus qui a pris trois jours pour élire les présidents du parlement s'est déroulé à Mogadiscio, sécurisé par les Forces de Sécurité Somaliennes appuyées par la Mission de Transition de l'Union Africaine en Somalie (ATMIS).

by Alex Kithumbu

MUQDISHO, 29 Abriil 2022 – Xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo gebagebeeyey doorashada guddoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Howsha doorashada af-hayeenada baarlamaanka oo socotey seddex maalin ayaa waxaan ammaankeeda sugayeye ciidamada Soomaaliyeed oo ay taageerayaan ciidamada Howl-galka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Maalintii Talaadada, xildhibaanada Aqalka Sare ayaa dib u doortey xildhibaanka rug cadaaga ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi xilka guddoomiyaha Aqalka Sare oo ah mid ka mid ah labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Khudbadii guusha ee uu jeediyay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay mudanayaasha ka soo qeyb galay doorashada. Waxa kale oo uu xasuusiyay inay waajib ku tahay in si hufan loo diyaariyo sharciyo wax looga qabanayo caqabadaha qaranka.

“Waxaa jira caqabado uu wadankeena wajahayo oo ay ka mid tahay xaalada abaareed ee hadda taagan. Waxaan hubaa inaan wax ka qabandoonno caqabadahan maadaama aan dooraney guddoonka Aqalka,” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaashi.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sidoo kale u doortey Mudane Cali Shacbaan iyo Mudane C/Laahi Cali Timacadde Guddoomiye Kuxigeenka 1aad iyo 2aad ee Golahan.

Maalintii Khamiista, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Sh. Aadan Max’ed Nuur (Madoobe) u doortey guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baalamaanka Federaalka Soomaaliya.

Golahan ayaa sidoo kale guddoomiye kuxigeenka 1aad u doortey Sacdiya Yaasiin Samatar. Sacdiya ayaa noqotey gabadhii ugu horeysey abid ka mid noqota guddoonka baalamaanka. Halka Cabdullahi Cumar Abshirow loo doortey guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka.

Khudbad uu jeediyey doorashadiisa ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh. Aadan Madoobe ayaa carabaabey caqabadaha amniga iyo siyaasadda ee ay wajaheyso Soomaaliya, isagoona ballanqaadey inuu la iman doono siyaasad loo dhanyahay.

“Waxaa naga go’an inaan dalka u horseedno isbedello, soo celinta kala dambeynta iyo soo afjaridda dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Doorashada hoggaanka baarlamaanka ayaa u gogol xaareysa doorashada madaxweynaha iyo soo gabagabeynta hannaanka doorashada dalka.

You may also like