Home » LE PERSONNEL GHANEEN DE LA PAIX EN SOMALIE CELEBRE LE 67E ANNIVERSAIRE DE L’INDEPENDANCE

CIIDAMADA GAANA EE HAWLAHA NABAD-ILAALINTA U JOOGA SOOMAALIY AYAA U DABAAL DAGAY SANAD GUURADII 67-AAD EE KA SOO WAREEGTAY MARKII AY XORNIMADA QAATEEN

by Alex Kithumbu

Muqdishu, 7-da Maarso 2024 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku ammaanay ciidamada nabad-ilaalinta ee Gaana sida ay uga qeyb qaadanayaan nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Munaasabadda ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu xusayay 67-sano oo ka soo wareegatay markii dalka Galbeedka Afrika uu xornimada ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, ayaa Taliye ku-xigeenka ciidamada ATMIS ee dhanka Hawlgallada iyo Qorshayaasha Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka, waxaa uu ammaanay sida hagar la’aanta ah ee ay Gaana  uga go’an tahay nabad ku soo dabaalidda caalamka iyo midnimada Afrika.

“Sida aad gacan uga geysateen dadaallada nabadeed ee guud ahaan adduunka gaar ahaanna wadamada ay colaaduhu ka jiraan sida Soomaaliya oo kale ah lama soo koobi karo. Gaana ayaa ciidamo u soo dirtay hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya si ay gacan uga geystaan sidii lagu gaari lahaa waajibaadka ATMIS,” ayuu yiri Sarreey Gaas Gen. Ngendabanka oo ka wakiil ahaa Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire. Mohamed El-Amine Souef.

Mas’uuliyiin Sare oo ka socda QM iyo ATMIS oo ay ka mid yihiin Taliye Ku-xigeenka ka mas’uulka ah taageerada iyo Saadka Sarreeye Gaas. Peter Muteti; Taliyaha Ciidamada Militeriga ATMIS Sarreeye Guuto Kindu Gezu iyo Taliyaha Ciidamada Booliska ATMIS Taliye Hillary Sao Kanu ayaa ka soo qaybgaley munaasabadda lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ciidamada ATMIS maalintii Arbacada ahayd.

Taliyaha Ciidamada Booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu ayaa wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Gaana uga go’an tahay ilaalinta nabadda, amniga iyo cadaaladda Afrika, isagoo u aaneynayo xasilloonida Soomaaliya ee la xoojiyey in ay sabab u tahay naf-hurnimada ciidamada nabad-ilaalinta Gaana, xirfadlenimada, iyo waxqabadka muuqda.

“Waxay ka markhaati kacaysaa dadaalkiinna hagar la’aanta ah, hawl-karnimadiinna, xirfadlenimadiinna, iyo waxqabadka muuqda ee aad ka soo qabateen nabad-ilaalinta iyo taageerada bini’aadantinimo ee sannadihii la soo dhaafay. Naf-hurnimadiina waxay gacan ka gaysatay xoojinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Kanu.

Agaasimaha Xafiiska  Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) Qurat Ul-Ain Sadozai, oo guddoominayay xafladda, ayaa ku ammaanay Gaana sida ay gacan uga geysatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyadoo soo diraysa ciidamo nabad ilaalineed iyo shaqaale rayid ah oo ka hawlagalla Hawlgallada Midowga Afrika iyo kuwa Qaramada Midoobay.

“Sida aan libiqsan ee ay Gaana uga go’an tahay nabadda ayaa sare u qaaday kaalinta ay kaga jirto 10-ka waddan ee ugu sarreeya ee gacan ka geysta hawlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku dhowaad ciidamo 3,000 gaaraya ay hadda ka hawlgalaan siddeed hawlgal,” ayay xustay Ms Sadozai oo hadalkeeda sii wadata.

Gaana oo hore loo oran jiray Xeebta Dahabka ah “Gold Coast”, waxay xornimada ka qaadatay gumaystihii 6-dii Maarso 1957, waxaanay noqotay waddankii ugu horreeyay Afrika oo sidaa yeelay.

Dabaaldegga Maalinta Madax-bannaanida ee sannadkan ayaa diiradda lagu saaray mawduuca “Dimuqraadiyadeenna, Waa Sharafteenna,” iyadoo xoogga la saarayo xoojinta qiyamka dimuqraadiyadda iyo horumarinta nabadda.

Gaana waxay si weyn gacan uga geysatay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyadoo geeysay Cutub Boolis ah oo Loo Sameeyay, Saraakiil Boolis oo Gaar ah (IPOs), hawlwadeenno militeri iyo rayid ah.

“Gaana waxay u aragta ka qaybqaadashadeeda hawlgallada nabad-ilaalinta ay taabogaliyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay in ay tahay ka qaybqaadasho muqadas ah oo uu waddanku kaga qaybqaadanayo ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamka iyadoo la raacayo axdiga Qaramada Midoobay,” ayuu xusay Dr Seth Appiah Mensah, Madaxa Jaaliyadda Gaana ee Soomaaliya.

You may also like