Home » Ciidamada Ethiopia ayaa Deeq Cunto iyo Dawo ah Gaadhsiiyey Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Ethiopia ayaa Deeq Cunto iyo Dawo ah Gaadhsiiyey Magaalada Baladweyne.

by Alex Kithumbu

Baladweyn- Ciidamo ka tirsan hawlgalka Midawga Afrika ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa Deeq Cuno iyo Dawo ah  gaarsiiyey shacabka ay guryahoodu ka soo barakiciyeen fatahaadii ku dhufatey magaalada Baladweyne.

“waxaan aad ugu mahadcelineynaa Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya(ENDF) sida ay ugu soo gurmadeen shacabkii ay saameeyeen fatahaadaha” sidaas waxaa yiri Taliyaha qaybta 4aad, Gaashaanle sare Hassan Djama Farah, iyadoo Arbacadii uu maamulka Hiraan ku dhawaaqey in shacabka kaalmo degdeg ah lala soogaaro.

Gaashaanle sare  Farah  waxuu ku boogaadiyey ciidamada Ethiopia talaabada ay horey uqaadeen,  oo ah in xiligii ku haboonaa ay gaarsiiyeen cawimaad dadkii ay saameeyen fatahaada. Caawimadaa waxey isugu jirtey Bariis, Dawo, Cunto qasacado ah iyo Bur.

Gaashaanle sare Shumet Telelew Endeshaw oo ah Ku xigeenka qaybta 4aad ayaa yiri “cuntadan aan ku wareejineyno maamulka waa qaaraan ay iska soo uruuriyeen Ciidanka kana soo jareen mushaarkooda.

Waxaa kaloo kudarey in hawlgalka ATMIS ay ka go’antahey raadinta nabada iyo degenaanshaha Soomaaliya iyo Caawinta shacabka xiliyada adag ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Axmed afyare oo ka socdey xafiiska maamulka Baladweyne ayaa gudoomey deeqdaas. Waxuuna ooga mahadceliyey ciidamada Itoobiya deeqdaas ay soo gaarsiiyey dadyawgii ku waxyeeloobey fatahaada, wuxuuna xaqiijiyey in ay si cadaalad ah uqeybin doonaan.

Dr. Ali Mohamed Halane, oo ka socdey wasaarada caafimaadka iyo adeega shacabka Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa yiri Dawooyinka waxaa looqeybin doonaa xarumaha caafimaadka oo ay ku jiraan kuwa ku meelgaarka ah ee loo sameeyey dadka gudaha ku barakacey.

Shacabka Baladweyne waxey kamid yihiin dadyawgii ay saameeyeen fatahaadaha kadib markii uu karkaarka goostey wabiga, Fatahaada Baladweyne waxaa ilaa hada ku dhintey 23 ruux waxaana ku barakacey 400,000 ruux.

 

You may also like