Home » ATMIS and Somali Security Forces to secure main supply routes in Middle Shabelle

ATMIS iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya Iney sugaan Wadooyinka muhiimka ah Ee Gobolka Shabeelada Dhexe

by Alex Kithumbu

Jawhar 25 Maay 2023– Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee ka midka ah hawgalka ATMIS iyo Masuuliyiinta Shabeelada Dhexe ayaa kawada Hadley sidii loosugi lahaa amniga wadooyinka muhiimka ah ee gobolka.

Shirkaas oo lasoo agaasimey arbacadii si loohelo guulo dhinaca amniga ah loona yareeyo caqabadaha wajiga labaad ee hawlgalka la dagaalanka Al-Shabaab oo mar dhaw ka bilaabmaya gobolada koonfurta soomaaliya.

Taliye Kuxigeenka Qaybta 5aad ee hawlgalka ATMIS,Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana ayaa dib u xaqiijiyey ka go’naanshaha hawlgalka ATMIS ee Caawinta Ciidamada Amniga Soomaaliya sidii ay usugi lahaayeen Aminga wadooyinga muhiimka ah ee ay soo weeraar Al-Shabaab iyo kooxo kale oo hubeysan loona xaqiijinlahaa in si nabad ah  isugu socdaan Gaadiidka iyo shacabka.

“Waxaan kawada hadalney sidii aan u hagaajinlaheyn Amniga aagaga aan masuulka kanahey iyo sidii aan isugu xidhi laheyn Shaqooyinka ay hayaan Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada Burundi ee kusugan gobolka shabeelada dhexe” sidaas waxaa yiri Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana.

Waxaa kaluu balanqaadey in uu adkeynayo wada shaqeynta Ciidamada Burundi ee Hawlgalka ATMIS iyo Maamulka gobolka shabeelada dhexe si loo sugo Amniga.

Qaybta 5aad waxey kutaalaa meel aad muhiim u ah lagana difaaci karo weerarada Magaalada muqdisho ooga yimaada AL-shabaab, waxaa kale oo ay muhiim utahey isusocodka Alaabada iyo Shacab ee Magaalada caasimada ah iyo gobolada kale ee dalka.

“Waxaan ku heshiiney in aan adkeyno wadashaqeynta dardargalinana hawlgalada lagu sugayo amniga si aan ooga hortagno weerarada bahalnimada leh ee ay soo qaadaan cadawga, una adkeyna amniga wadada isku xidha magaalada jawhar iyo garoonka Diyaaradaha iyo wadooyinka kale ee muhiimka ah ee gobolka” sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Shabeelada dhexe, Ahmed Meyre Makaran.

Gudoomiyaha Shabeelada dhexe, Ahmed Meyre Makaran isagoo ku hadlaya magaca Maamulka Gobolka ayuu yiri waa muhiim in laga hortago Al-Shabaab iney hakiso isusocodka shacabka iyo Ciidamada ee wadooyinka muhiimka ah, isagoo ku darey in maamulkiisa ay la shaqeynayaan Ciidamada ATMIS si loo wiiqo kooxda argagixisada ah.

Shirkaas waxaa kaloo goobjoog ahaa Taliyaha Booliska Hirshabelle, Gaashaanle sare Hassan Dhicisow Hasan; Gudoomiyaha Degmada Jowhar, Osman Mohamud Mukhtar; Maayarka Jowhar, Mohamud Hassan Barise; iyo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka ahna kusimaha maaliyada, Muse Shatawe.

You may also like