Home » Ciidamada hawlgalka ATMIS ayaa sii wada Taageerada ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

Ciidamada hawlgalka ATMIS ayaa sii wada Taageerada ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

by Alex Kithumbu
ATMIS

Muqdisho, 30 Agoosto 2023 –Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in uu taageero howlgallada milatari ee ay Soomaaliya hoggaaminayso ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin bixista ATMIS ee Diseembar 2024-ka.

“Hadafkeena, ka ATMIS ahaan iyo dhammaan daneeyayaasha howlgalkan ATMIS, ayaa ah inaan aragno Soomaaliya ammaan ah, xasiloon, barwaaqo ah oo nabad kuwada nool, aduunkana kula nool,” Taliyaha Ciidanka ATMIS Sar. Guud. Sam Okiding ayaa u sheegay saxafiyiinta Soomaaliyeed mar uu Shir jaraa’id Talaadadii ku qabtey Xarunta dhexee ATMIS ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka ayaa sheegay in ay ATMIS xooga saareyso sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF) si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo ATMIS ay si tartiib tartiib ah ciidamadeeda ugala baxayso dalka .

“Mid ka mid ah doorarkeena ugu muhiimsan ayaa ah in aan hubinno in aan siiney latalin Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si marka aan ka baxno Soomaaliya aysan u dhicin daldaloolo amni,” Sar Guud. Okiding ayaa sidaas sharaxay.

Wajigii koowaad ee dhimista oo soo dhamaadey bishii June, ATMIS ayaa dalka kala baxday 2000 oo askari,  waxayna wareejisay lix saldhig oo ay hore uga hawlgeli jirtay iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2628 iyo 2670 (2022).

Si wada jir ah Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), hawlgalka ATMIS ayaa soo gaba gabeeyay qiimeyn farsamo oo lagu sameeyay wajigii koowaad, waxaana hadda la diyaarinayaa in 3000 oo askari oo dheeraad ah laga saaro dalka.

Talooyinka qiimeyntii farsamo ayaa la hor geyn doonaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 31ka Agoosto, iyadoo lagu daridoono macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan u diyaargarowga wejiga labaad ee la filayo 15ka Sebtembar. Saarista 3000 oo askari oo midawga Afrika ee wajiga labaad ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dhamaadka bisha Sebtembar sida ku cad qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687.

Sar. Gas Okiding ayaa ku bogaadiyay ciidamada ATMIS howlgalada militari ee ay iska kaashanayaan Ciidamada amaanka Soomaaliya ee ka socda gobolka Galgaduud kadib markii ay ku guulaysteen in ay wiiqaan awooda Al-Shabaab ee gobolada Jubbada Hoose, Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Ciidanka ATMIS waxa ay joogteeyeen guulihii ay gaadheen sannadihii la soo dhaafay iyaga oo aan wax dhul ah dib aysan ooga qabsan Al-Shabaab, isla markaana waxa ay fuliyeen waajibaadka ilaalinta rayidka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha samafalka iyo kuwa kale,” ayuu yidhi Sar. Guud Okiding. Waxa uu intaa ku daray, “Waa in Dhul horleh laqabto isla markaana ku wii hore la ilaaliyo. ATMIS ayaa xoojiyay dhammaan Guulahaas.”

Taliyaha Ciidanka ayaa ku booriyay beesha caalamka in ay sii wadaan taageeridda geeddi-socodka nabadda ee meelaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin qorista ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka, kobcinta awoodda, keenista awoodaha muhiimka ah iyo bixinta dhaqaale la saadaalin karo oo waara ee ATMIS iyo DFS.

Wuxuu ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo ku guuleystay inay la wareegaan lix Saldhig oo bishii June lagu wareejiyay, isagoo xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageerada hannaanka kala guurka ah ee ay Soomaaliya hormuudka ka tahay, taasoo ugu dambeyn ay ku wareejin doonaan mas’uuliyadda amniga oo dhameystiran. dhamaadka sanadka soo socda.

Lt. Gen. Okiding ayaa waxaa wehliyey saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ATMIS oo ay ka mid ahaayeen; Taliyaha Ciidanka Militariga ee ATMIS – Sar. Guuto. Tegegn Kindu Gezu, ku simaha Taliye ku xigeenka ee dhanka Howlaha iyo Qorsheynta – G.sare. Milton Katarinyeba, iyo Madaxa Warfaafinta Milliteriga ee ATMIS (CMIO) – G.sare. Mohamed Sirat Yusuf.

You may also like