Jowhar, 7 Disembar 2023– Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ay iskaashanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa gargaar siiyey ilaa 600 qoys oo ku nool Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo ay saameeyeen fatahaado ka dhashey El Nino.
Maalintii Arbacada ahayd, ayaa Taliye-ku-xigeenka ATMIS ee mas’uulka ah Hawlgallada iyo Qorsheynta Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka, uu cunto iyo agabka aan cuntada ahayn oo aasaasi ah ku wareejiyey wakiillo ka socdey Dowladda Federaalka iyo saraakiil ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo joogey caasimadda dowlad-goboleedka ee Jowhar.
Sahaydaas ayaa hadda loo qaybin doonaa lix xero oo kuwa Dadka Gudaha Ku Barakacay ah oo ay deggan yihiin qoysas ay soo barakaciyeen fatahaadaha El-Nino iyo Xag-jiriinta Al-Shabaab.
“Waxaan halkaan maanta u joognaa in aan wareejinno cunto nafo lagu badbaadinayo iyo agabka aan cuntada ahayn si aan u khafiifinno silica haysta dadka barakacayaasha ah iyo dadka nugul ee ay fatahaadaha El Nino ku saameeyeen degaannada ay joogaan ATMIS si aan gacan u siinno oo aanna u kaabno dadaallada ay wadaan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada,” ayaa uu yiri Sarreeye Gaas Ngendabanka.
“Qaar badan oo dadka barakacay iyo dadka meelo kale u qaxay ah ayaa u baahan gargaar aasaasi ah si ay naftooda u badbaadiyaan. ATMIS ayaa fududeyneysa in dadka la gaarsiiyo gargaar bani’aadamimo taas oo qayb ka ah hawsheeda ah in ay nabad iyo xasilooni ka dhaliso Soomaaliya,” ayaa uu intaa raaciyey, isaga oo xaqiijiyey in ATMIS ay ka go’an tahay in ay dadka Soomaaliyeed taageerto marka ay jiraan dhibaatooyinka bani’aadamnimada.
Cuntada iyo agabka oo ahaa taageero laga heley dowladda Talyaaniga ayaa ka koobnaa cuntooyin aasaasia ah, oo ay ka mid yihiin bariis, bur, sokor, digir, iyo saliid, iyo agab aan cunto ahayn, oo ay ka mid yihiin bustayaal, baco fidsan, maro-kaneeco, iyo baaldiyo.
Taliyaha Qaybta Shannaad ee ATMIS, Sarreeye Gaas Jean Claude Niyiburana ayaa xusay in sahayda ay wax badan ka tareyso daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee Barakacayaasha.
“Arrintan ayaa timid xilli muhiim ah oo ay xaaladda bani’aadamnimada ay xun tahay. Dad ayaa ku barakacay ku dhowaad meel kasta oo ka mid ah qaybta aan ka hawlgalno, gaar ahaan hareeraha Webiga Shabeelle, taas oo ka dhalatey fatahaadaha uu sababey ifafaalaha El Nino”.
Cumar Maxamed Gaabow, Wasiir-ku-xigeenka Gargaarka Bani’aadamanimada iyo Maareynta Masiibooyinka, oo lagu wareejiyey deeqda, ayaa ku tilmaamey in ay tahay tusaale yimid waqtigii loo baahnaa oo muujinaya xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya ATMIS.
Waxaa uu ATMIS iyo dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageeradooda deeqsinimada leh.
“Waxaan jeclaan lahaa in aan ATMIS iyo dowladda Talyaaniga uga mahadnaqo gargaarka bani’aadamnimada ee ay keeneen waqtigii loo baahnaa, kaas oo gacan naga siin doona khafiifinta raadka ay is-beddelka cimilada iyo fatahaadaha ka dhashey El Nino ay ku yeesheen guud ahaan Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Waxaan hay’adaha kale ee bani’aadamnimada ku tirtirsiinayaa in ay na siiyaan gargaar degdeg ah si aan gacan u siinno dadkeenna,” ayaa uu yiri wasiir-ku-xigeenka.
Cabdullaahi Aadan, oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Qaxootiga iyo Barkacayaasha, oo matalayey Dowladda Federaalka, ayaa sheegey in fatahaadaha El Nino ay uga sii dareen dhibaatooyinka horey u jirey ee ka dhashey is-beddelka cimilada iyo amni-xumada.
“Waan ka mahadnaqeynaa taageerada joogtada ah iyo sida aad u barbartaagan tihiin dadka Soomaaliyeed marka ay jiraan waqtiyada adag. Iyada oo ATMIS ay gacan ka geysatey, ayaan waxaan xaqiijinney waxyaabo badan, sida amniga iyo wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada,” ayaa uu yiri Cabdullahi Aadan.
Fatahaadaha ka dhashey El Nino ayaa carqalado mug leh ku keeney gobolka Hirshabeelle, kuwaas oo dad badan dhigey hoy la’aan, burburiyey kaabayaal dhaqaale oo muhiim ah, oo jarey Waddooyinkii ugu muhiimsanaa ee ay Sahaydu Soo Mari Jirtey.
Ugu yaraan 2.4 milyan oo qof oo kala jooga guud ahaan Soomaaliya ayaa ay saameeyeen fatahaadaha iyo raadadka kale ee ka dhashey ifafaalaha El Nino. Ilaa 1.5 milyan qof ayaa barakacay, waxaana ku dhintey dad ka badan 100 qof.