Muqdishu, 7-da Disembar, 2023 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii Arbacadii sheegay qaadidda cunaqabateynta hubka ee QM ee Soomaaliya saarneyd 31-sano in ay yididiilo cusub u yeelaysa dagaalka lagu la jiro Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Daa’uud Aweys, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlayay ayaa sheegay in go’aanka uu qaatey Golaha Amaanka ee QM uu ahaa mid wax ka beddelaya hawlgallada weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Go’aankan wuxuu xusayaa waqti muhiim u ah horumarka amniga Soomaaliya wuxuunna dedejin doonnaa kala-guurka socda ee ay mas’uuliyadaha amniga ATMIS ku wareejinayso Ciidamada Amniga ee Soomaaliya. Waa tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadi karo awoodaha hawlgal ee Ciidamada Amniga ee Soomaaliya, waxayna u suuragelinaysaa in ay si taabogal ah ula dagaalamaan Al-Shabaab,” Danjire Souef ayaa sidaa u sheegay suxufiyiinta magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka ATMIS Sareeye Guuto, Sam Okiding iyo Mas’uuliyiin Sare kale oo ka tirsan ATMIS iyo Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ka soo qaybgaley kulankan lagu la hadlayay warbaahinta.
Wasiir Aweys wuxuu sheegay in qaadista cunaqabaynta hubka ay Soomaaliya u suuragelinayso dhisidda iyo casriyeynta ciidamadeeda qalabka sida iyo kor u qaadidda awoodda ay u leeyihiin difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
“Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan, oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh shabakada argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida. Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah si ay ula dagaalanto khatarahaasi una sugto amniga xuduudaheeda,” ayuu yiri.
Labada mas’uul ayaa mar kale xaqiijiyay in ay ka go’an tahay weerarka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xaqiijinta kala-guur habsami la’aanta u socda ka hor inta aan la billaabin wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS. Laga bilaabo toddobaadka soo socda, ATMIS waxay Soomaaliya kala bixi doontaa 3,000 oo askari oo dheeraad ah iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Amaanka ee QM ee tirsigiisu yahay 2710 kama dambeys markay taariikhdu tahay 31-ka Disembar 2023.
“Waxaan doonayaa in aan mar kale ku celiyo sida hagar la’aanta leh ee aan ugu heellanahay hannaanka kala-guurka iyo dhimista ciidamada, waxaanna xaqiijinaynaa in aan fulinno waajibaadkeenna annagoo sidoo kale bixinayno taageerada hawlgallada socda. Waxaan aqoonsanahay muhiimadda ay leedahay isku-dheellitirka dhimista ciidamada iyo baahida loo qabto sii wadista hawlgallada kale ee muhiimka ah,” ayuu yiri Danjire Souef.
“Ciidamada qaranka oo gacan ka helaya xulufadooda caalamiga ah ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Hilow Bacaad, oo 80 km koonfur-galbeed ka xigta degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan waxaanna la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 60 argagaxiso. Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (CQS) iyo ciidamada degaanka ayaa sidoo kale hawlgallo ka fuliyey gobollada Bakool, Galgaduud, Hiiraan, iyo Shabeellaha Dhexe,” ayuu hadalkiisu raaciyay Wasiir Aweys.
Wasiirku waxa uu sheegay in taageerada shacabka ee duullaanka militari ay durba miro dhal yihiin iyadoo caasimadda Muqdisho ay ku naaloonayso ammaan iyo amni soo hagaagaya waxaanna sabab u ah wada-shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin bulshada.
“Waxaan u mahadcelinaynaa shacabka Soomaaliyeed ee had iyo jeer taageera dowladda iyo militeriga, la’aantoodana suuragal ma noqon lahayn horumarka wanaagsan ee laga gaarey xoojinta xasillinta caasimadda,” ayuu xusay.
Si loo yareeyo saameynta xun ee daadadka El Nino, Danjire, Souef ayaa sheegay ciidamada ATMIS, oo kaashanaya Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed in ay qabanayaan waxqabadyada kala duwan ee xaaladaha degdegga ah, oo ay ku jiraan daad-gureynta dadka ay fatahaadaha saameeyeen iyo u qaybinta agab isugu jira raashiin iyo kuwa aan raashiin ahayn dadka ay dhibaatadu saameysay. Fatahaadaha, waxaa ugu yaraan ku barakacay 1.5 milyan oo qof waxaanna ku dhintey in ka badan 100 qof.