Home » ATMIS steps up training of Somali Security Forces on Child Protection ahead of drawdown

Hawlgalka ATMIS ayaa Kordhiyey Tobobarida Ciidamada Amniga Soomaaliya Sidii Looga hortagi lahaa Askareynta caruurta ka hor intuusan bilaabmin dhimista askarta ATMIS

by Alex Kithumbu

Muqsisho,27 Maay 2023- Hawlgalka Midawga Afrika ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa kordhiyey Tabobarada ciidamada amniga Soomaaliya Sidii looga hortagi lahaa askareynta Caruurta xiliyada colaadaha ayadooy soo dhawdahey dhimista ciidanka ATMIS.

Taliye Ku xigeenka  Ciidanka ATMIS Sareeye Gaas Marius Ngendabanka ayaa yiri ka hortaga askareynta caruurta waa qodob aad muhiim ugu ah Hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya,

“Tabobarka ka hortaga askareynta caruurta waa talaabo horey loogu qaadey in tabobartayaashu ay qaataan masuuliyadooda ku aadan ka hortagista askareynta caruurta” Sidaas waxaa yiri Sareeye Gaas Ngendabanka oo maalintii Jimcaha ka hadlayey dhamaadka tabobarka tabobarayaasha oo socdey mudo todobaad ah laguna qabtey Muqdisho.

“Sida ay isku afgarteen Ciidanka ATMIS iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya, tabobarkan waxaa loo dhaadhicin doonaa dadka ku haboon iney qaataan si kor loogu qaado fahamkoota ka hortaga askareynta caruuta” sidaa waxaa ku darey Taliye Ku xigeenka  Ciidanka.

Tabobarkan waxaa ka qayqaatey waaxda shaqaalaha shacabka ah ee ATMIS, waaxda ka hortaga xuquuqda aadanaha iyo Jinsiga(PHRG), waaxda diwaangalinta, qiimeynta, iyo ka jawaabista tacadiyada loogeysto Shacabka, iyo waaxda Jinsiga booliska iyo Milatariga.

Waxaa kaloo ka qayb galey  shaqaale ka socdey booliska iyo Militariga qaybta tabobarada iyo qaybta siyaasada ee Hawlgalka.

Mawduucyada tabobarka waxaa ka mid ahaa ilaalinta caruurta ee hawlgalada nabad ilaalinta, Saameynta caruurta ee dagaalada, xaaladaha kale ee ilaalinta caruurta, shuruucda ilaalinta caruurta iyo fahamka ku xadgudubka caruurta.

Ku xadgudubka caruurta waa mid aad ooga jirta Soomaaliya sida afduubkooda, iyo in xoog lagu shaqaaleysiiyo sida askareynta AL-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Anthony Njoroge, oo ahaa Macalinka koobaad ee tabobarka Ahaana Madaxa mashruuca caruurta iyo dhalinyarada ee xiliyada nabad ilaalinta Hayada caalamiga ah ee badbaadada caruurta ayaa yiri tabobarka waxuu ahaa hindisaha haayada ee kobcinta aqoonta ciidamada sidii ay ooga hortagi lahaayeen ku xadgudubka caruurta.

“kooxaha aan hada tabobareyno waxaa la rabaa iney noqdaan tabobarayaal ayna tabobarkan ka fuliyaan meelo kale, Sidaa darted waa in aanu ku qalabeyno xirfadii ay tabobarkan usii bixin lahaayeen, sidii ay casharada udiyaarsan lahaayeen iyo sidii ay uqaban la haayeen” sidaas waxaa yiri Njoroge.

Waxuu ku darey in caruurta Afrika  ay dhibaato ku hayso saameynta dagaalada Hubeysan, iyadoo in ka badan 200 oo milyan oo caruur ah oo ku nool afrika ay si toos ah ama si dadban ugu dhax jiraan dagaalada iyagoo wajahayo dhibaatooyin ay ka midyahiin in lagu soo weeraro iskuulada iyo cisbitaalada, la kufsado, la dilo, la dhaawaco, la afduubo iyo in la waayo amaba loo diido in la gaarsiiyo caawimo.

Midkamid ah tabobar qaatayaashii, Fadir Karar ayaa yiri tabobarku waxaan ka baraney sidaan ooga soo warami laheyn, una dabi gali laheyn dhibaatooyinka loo geysto caruurta.

“waxaan baraney waan isticmaali doono si aan  u  xaqiijino in ay diyaaryihiin farsamooyinkii looga hortagi lahaa askareynta caruurta si waafaqsan Shuruucda Midawga Africa iyo Qaraarada Qaramada midoobey. Sidaas waxaa yiri Karar.

Tabobar qaate kale Gaashaanle Mary Kaonga, kaasoo ah Shaaqalaha Jinsiga ee Milatariga ATMIS ayaa yiri 12kii tabobarqaate kasta waxey la imaanayaan qorshe hawleed ay tabobarkan ku sii gaarsiin lahaayen meelaha ay ka yimaadeen.

“waxaa nalaga rabaa in aan la nimaano  qorshooyin aan ku gaarsiineyno Tababarkan kuwii ay usuuroobi waydey inay ka  soo qayb galaan tabobarkan”. Ayuu ku darey Gaashaanle Kaonga

Tabobarkaas waxaa soo agaasimey hayada caalamiga ah ee badbaadada  caruurta oo kaashanaysa hawlgalka ATMIS waaxda ka hortaga xuquuqda aadanaha iyo Jinsiga PHRG iyadoo ay maalgalisey midawga yurub iyo  Dawlada iswiidhan.

Markii la eego heshiiska Afrika ee xuquuqda caruurta iyo ilaalintooda xaalada dhamaan caruurta afrika waa mid aad halis u ah sababtoo ah xaalada bulsho dhaqaale,xaalada dhaqan, xaalada horumar la aaneed. Masiibooyinka dabeeciga, dagaalada hubeysan, iyo Gaajada ,

Sidaas darted tabobarkani waxuu kordhinayaa in loogu yeesho taxadar dheeri ah ilaalinta iyo kawarqabkooda si loo xaqiijiyo  in maskax ahaan iyo muqaal ahaanba uqaangaadhaan.

You may also like