Home » ATMIS Statement on the unfortunate road accident at Elasha Biyaha

War-saxaafadeedka ATMIS ee ku saabsan Shilkii Waddo ee Nasiibdarrada ahaa ee Ceelasha Biyaha

by Alex Kithumbu

atmis press release

WAR SAXAAFADEED

(Faafin Degdeg ah)

ATMIS PR/10/2022

Muqdishu 30-ka Nofeembar 2022 kolonyo ay leedahay ATMIS ayaa kolka ay ku soo laabanayeen Muqdishu waxa ay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Shabeelada Hoose ka gaysteen shil gaari oo musiibo ahaa ka dib markii uu qof shacab ah gooyay laba gawaarida gaashaaman ka mida dhexdooda sidaasna uu gaarigu ugu dhacay.

Wax yar uun shilka ka dib, dadka yaa billaabay in ay isku gedaamaan kolonyada oo ay waddada ka xiraan. Masuuliyiinta maxalliga ah oo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose iyo Guddoomiyaha deegaanka ayaa goobta loogu yeeray iyada oo la isla gartay in la sii daayo kolonyada.

Qofki rayidka ahaa ee uu dhaawaca soo gaaray waxaa loola cararay isbitaal waxaana la siinayey daryeel caafimaad oo degdeg ah marki uu geeriyooday.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada marxuumka waxaana la diyaariyey koox baaris hordhac ah sameysa si ay si dhow ula shaqeeyaan dadki goobjoogga ahaa, dowladda iyo masuuliyiinta maxalliga ah si ay si qotodheer ugu baaran dhacdadan nasiib darrada ah.

Natiijada kooxda barista waxaa loo badhigi doonaa Guddiga Baarista.

_______________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Af-hayeenka Ciidamada: G.Dhexe A. Ganale,

Email: Atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252 617682175/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

 

You may also like