Home » ATMIS OO GARGAAR MUHIIM AH SIISAY QOYSAS AY FATAHAADUHU KU WAXYEELEEYEEN MAGAALOOYINKA DHOOBLEY, BAYDHABO

ATMIS OO GARGAAR MUHIIM AH SIISAY QOYSAS AY FATAHAADUHU KU WAXYEELEEYEEN MAGAALOOYINKA DHOOBLEY, BAYDHABO

by Alex Kithumbu

Soomaaliya, 20-ka Disembar 2023 – “Waxaannu hoy ka soo raadsaney xerada barakacayaasha maadaama ay guryaheennu biyo soo galeen iyadoo fatahaaduhu ay qaadeen xoolaheenna iyo dalagyadeenna. Wax kastaba way naga baaba’een, oo qoysas badan ayaa hadda barakiciyeen,” ayuu yiri Nuur Cabdiqaadir, oo ah aabbaha saddex carruur, oo ku sugan xarada Barakacayaasha magaalada Dhoobley. 

Taliyaha Ciidanka ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding iyo Taliyaha Ciidamada militeriga Sarreeye Gaas Kindu Gezu oo taageero ka helaya dowladda Talyaaniga ayaa agabka gargaar ah ku guddoonsiiyay wakiillo ka socda maamullada Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed munaasabado kala gaar ah oo ka dhacay magaalooyinka Dhoobley iyo Baydhabo. 

“Waxaan u mahadcelinayaa maamulka Jubaland iyo bah-wadaagteenna, gaar ahaan dowladda Talyaaniga, oo noo suurageliyay in aanu taageerno dadka ay waxyeeleeyeen fatahaadihii ugu dambeeyay. Dareenkan ayaa muujinaya sida aan muddo-dheer u garab taaganahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaanna sii wadi doonnaa in aan taageerno mar kasta oo loo baahdo,” ayuu sheegay Sarreeye Guuto Okiding. 

Taliyaha Qaybta Labaad ee ATMIS, Sarreeye Gaas William Kamoiro, oo wehliyay Taliyaha Ciidanka, ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay kala shaqeeyeen maamulka Jubaland iyo bulshooyinka degaanka caawinta qoysaska ay dhibaatada taabatey iyo dayactirka kaabayaasha ay waxyeellada soo gaartey. Injineerada Ciidamada Difaaca Kenya ayaa la hawlgaliyay si ay u qalajiyeen oo ay biyaha uga saaraan garoonka diyaaradaha Dhoobley iyo furitaanka jidadka ay gaadiidka maraan ee Dooxada Jubba. 

“Daadadku aadbay noo dhibaateeyeen; taageeradani waa waxa aannu si dhab ah ugu baahanahay si qoysaskeenna ay u sii nooladaan,” ayuu yiri Garane Cabdi oo ku sugan xerada Barakacayaasha Barwaaqo halkaasi oo uu gabaad uga soo raadiyay afar carruur ah iyo xaaskiisa. 

Nuur iyo Garane waxay ka mid yihiin kumanaan qoys oo ku sugan magaalooyinka Dhoobley iyo Baydhabo kuwaas oo taageero bani’aadamnimo ka helay Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Guddoomiyaha Degmada Dhoobley Xasan Xaashi oo guddoomayay deeqda isaga oo ka wakiil ah maamulka Jubaland, ayaa ATMIS ugu mahadceliyay taageerada ay siiyeen wuxuunna carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay gacan ka geysato caawinta dadka ay dhibaatadu ka soo gaartey fatahaadaha. 

“Ka-dib fatahaadihii Elnino, ee gaar ahaan Dhoobleey, oo ay roobab mahiigaan ahi halakeeyeen qoysas badan, taageeradani waxay timid xilligii loo baahnaa. Waxaan helnay sahay cuntada aasaasiga ah iyo agabka aan cunto ahayn, oo lagu soo beegay waqtigii loo baahnaa waxaanna ka faa’iideystay in ka badan 2,000 qoys,” ayuu yir Guddoomiyaha Degmada. 

Magaalada Baydhabo, Taliyaha Ciidanka Militeriga, Sareeye Gaas Kindu Gezu ayaa sheegay in iskaashiga u dhaxeeya bah-wadaagta, hay’adaha dowladda, iyo ururrada aan dowliga ahaynba in uu muhiim u yahay wada-shaqeynta lala leeyahay bulshooyinka, “Halka qaybahani ay caddeeyeen in isuduwidda militeriga iyo shacabka ay wax-ku-ool tahay, waxaa aasaasi ah in la sii wanaajiyo oo la xoojiyo iskaashiga dhow,” ayuu hadalkiisa ku daray. 

Dadaalkan, oo lagu beegsaday qoysaska ay fatahaaduhu ku waxyeeleeyeen magaalooyinka Jowhar, Beledweyne, Baydhabo, iyo Dhoobley, waa qayb ka mid ah iskaashiga Militeriga-Shacabka ee ATMIS ee lagu dhisayo xiriirrrada waxna looga qabanayo baahiyada degdegga ah ee bulshooyinka. 

Cabdinaasir Cabdi Caruush, Wasiirka Arrimaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed, iyo dhigiisa Amniga Gudaha, Wasiir Xasan Cabdiqaadir Maxamed, ayaa dowladda Talyaaniga ah ku ammaanay taageerada ay siinayaan xubnaha nugul ee bulshada. 

You may also like