Beledweyne – Ciidamada Midawga Afrika iyo Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa Kor uqaadey hawlgalada Ciidan ee isku dhafka ah oo lagula jiro falaagada AL-Shabaab ee Maamul Goboleedka Hirshabeele ka hor inta ayna bixin 2000 oo askari oo ka tirsan ATMIS dhamaadka bisha Juun.
Gaashaanle Sare Jaamac Farah, Taliyaha Qaybta 4aad ee Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika, Soomaaliya ayaa yiri wadashaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada deegaanka ayaa door lixaadleh ku lahaa Xoreynta Goobo ay awal xukumi jireen argagixisada Al-Shabaab.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Baladweyne, ayuu Gashaanle Sare Jaamac Ku sheegey in guulaha laga gaarey Al-shabaab ay sabab utahey aqoonta Durugsan ee ay Ciidamada xooga dalka Soomaaliya u leeyahiin Deegaanada ay ka taliyaan iyo Xog wadaag ay la leeyihiin dadka deeganka.
“Hawlgaladeenu Manoqonayaan kuwo guuleysta hadii aysan jirin doorka lixaadka leh ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Waxey saaxiibo dhaw layihiin Bulshada deegaanka oo inta badan usoo gudbiyo warbixino la isku haleyn karo oo ay wakhti ku haboon usoo gudbiyaan Ciidankeena” ayuu Gashaanle Sare Jaamac
Qaybaha ATMIS, qaybta 4aad waxaa ku Sugan ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Itoobiya iyo Jabuuti oo xaruntoodu tahey Magaalada Beledweyne oo 342KM Waqooyi Galbeed ka xigta Caasimada Muqdisho
Magaalada Baladweyne Waxey ku talaa wadada halbawlaha ah ee isku xirta Buulo-Burto, Jowhar iyo Modishu, ee Gobolka Hiraan. Waxeyna xarun u aheyd dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ka hor inta aysan Ciidamada wada jirka ah Ka saarin wajigii Koobaad ee duulaanka Milatari.
Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa Ku baaqey in la joojiyo hawlgalada Ciidan bishii ogosto 2022 ka soo ku aadanaa Maamul Goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Isagoo amaanaya Xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Ciidamada ATMIS, ayuu Gashaanle Mohamed Omar Ibaar, taliyaha Guutada 5aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, qayta 27aad, kalsooni ka muujiyey in Ciidanka amaanka Soomaaliya ay diyaar uyahiin iney si buuxda ula wareegaan masuuliyada Amniga marka ay kabaxaan Ciidamada Hawlgalka ATMIS.
“Xaqiiqdii waxaan helney xirfadihii iyo Khibradii lagama maarmaanka u ahaa si aan si buuxdo usugno amaanka Magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda” ayuu yiri.
Waxii ka danbeeyey fatahaadii Magaalada Baladweyne, Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamada ATMIS ayaa kaalin weyn ka qaatey daad gureynta dadka iyo Gurmadka Bini-aadanimo ee loo fidinayey qoysaska ay saameeyeen fatahaaduhu.