Home » ATMIS-FGS delegation briefs EU officials on Somalia security in Brussels meeting

Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels

by Alex Kithumbu

Brussels – Madaxa Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Cali, ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay Brussels madaxda sare ee Midowga Yurub si ay uga warbixiyaan dadaallada lagu dhisayo nabad iyo ammni waara oo ka hirgala dalkan Geeska Afrika.

Labada mas’uul ayaa hoggaaminayay wafdi wadajir ah oo ka socday ATMIS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo booqasho saddex maalmood qaadatay, todobaadkii hore, ugu tagay Guddiga Midowga Yurub ee fadhigiisu yahay Brussels, si ay uga wadahadlaan horumarka iyo caqabadaha ka jira hirgelinta Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya oo ay taageerto Midowga Yurub.

Waxa ay soo bandhigeen sida Soomaaliya ay horumarro la taaban karo uga gaartay nabadda iyo amniga, xakameynta hubka, la dagaallanka argagixisada, horumarinta xuquuqul insaanka, isbeddelka qaranka iyo dowladnimada.

Waxa ay sheegeen in ay muhiimad gaar ah ay leedahay, ayna ka go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumariso, dib-u-heshiisiinta, xasilinta, dib-u-habaynta garsoorka, iyo hubinta ka-qaybgalka muwaaddiniinta ee doorashooyinka iyadoo la raacayo codbixinta dadweynaha ee caalamiga ah ee qof-iyo-cod.

Wafdiga ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay saraakiisha Midowga Yurub howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, dhimista la filaayo ee ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ka bixistooda dalka gabi ahaan meesha lagu gaaro bisha Diseembar 2024-ta.

“Waxaan ka hadlaynaa in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo Soomaalida oo ay kala wareegaan hawlgalka ATMIS. Habkani wuxuu ahaan doonaa mid loo fuliyo qayb-qayb sababtoo ah ma rabno bixitaan ay masiibo ka dhalato. Waxaan rabnaa in ay arrimuhu si wanaagsan u socdaan,” ayuu yiri Danjire Souef isagoo intaas ku daray: “Qorshaha waa socdaa, marka la gaaro Juun, waxaan dhimi doonnaa 2000 oo askari. Ujeedadu waa in ATMIS ay ka baxdo Soomaaliya marka la gaaro Diseembar 2024ta.”

“Tani waxay u baahan tahay dadaal iyo isuduwid, ma aha oo kaliya kan dhexeeya DFS iyo ATMIS, laakiin sidoo kale bahwadaagta sida Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay. Midowga Yurub wuxuu ku bixiyaa taageero dhaqaale howlgalkan. Waxaan u mahadcelineynaa dowladaha xubnaha ka ah iyo Guddiga, deeqdan lagu taageerayo nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika,” ayuu yiri Danjire Souef.

La-Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali, ayaa xusay in iyagoo kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika, ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay horumarro la taaban karo ka sameeyeen sugidda ammniga dalka, isla-markaana ay dhiseen awood ku filan oo ay ku fulin karaan hawlgalada qorshaysan. Danjire Souef aya xaqiijiyay in wadanku uu haayo dhabiihi loogasoo bixi laha xilliga kama dambaysta ah ee ay baxayso ATMIS sida uu qabo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670.

“Waxaan heysanaa 18 bilood si aan uga adkaano Al-Shabaab oo aan u dhameystirno dhimista ciidamada ATMIS. Isku soo wada duuboo, waxaan wadnaa wadadii aan uga gudbi lahayn ATMIS oo aan ugu gudbi lahayn ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo xusay in, “si ay Soomaaliya taasi u gaarto, waxaan dib u habeyn iyo dib u dhis ku sameyneynaa ciidamadeenna amniga – militariga, booliiska, nabadsugidda iyo ciidanka Asluubta. Waa afara  hay’adood oo amni oo uu dastuurku aqoonsanyahay, waxaana dib u habeyn ugu sameyneynaa anagoo adeegsanayno hab-dhismeedka amniga Qaranka, kaas oo ah heshiis siyaasadeed oo dhanka amniga ah” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha wadashaqaynta ee Midowga Yurub iyo Afrika, Agaasimaha Maamulka Hay’adda Adeegga Dibadda ee Yurub (EEAS), Rita Laranjinha, Saraakiil ka socotay Hay’adda Qorsheynta iyo Kartida Ciidanka (MPCC) iyo Agaasimaha Hay’adda Siyaasadda Isku-dhafka ah ee Amniga (ISP), Cosmin Dobran.

Intaa ka dib, waxay warbixin siiyeen wakiilada Mozambique, Gabon, iyo Ghana kuwaas oo ah wakiilada aan joogtada ahayn ee Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxayna iyagoo sidookale la kulmay dublamaasiyiinta matalaya wadamada ay ciidamadooda ka midka yihiin Hawlgalka ATMIS.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Belgium, Netherlands iyo Luxemburg Danjire Yoonis Xaashi iyo Madaxa Ergada Soomaaliya ee Midowga Yurub Cabdixakiim Maxamed Yuusuf. Saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxaa ka mid ahaa Danjire Cawad Sakine Ahmat iyo Madaxa ATMIS ee Arrimaha Siyaasadda, Babatunde Taiwo.

You may also like