Dhoobley – Isbitaalka Guud ee Dhoobley ee ku yaalla Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa taageera weyn u heley doonistiisii ahayd in uu bixiyo daryeel caafimaad oo tayo leh, ka dib markii siddeed kaalkaaliye caafimaad oo ka tirsan isbitaalka ay dhammeysteen barnaamij tababar caafimaad oo xooggan oo u socdey toddoba bilood.
Tababarka oo ay fududeeyeen shaqaale caafimaad oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) oo la shaqeeya Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa waxaa ka mid ahaa mowduucyo muhiim ah sida suuxdinta, umulisanimada, habraacyada qolka qalliinka iyo hababka qalliinka, iyo borotokoollo kale oo caafimaad oo aasaasi ah.
“Kaalkaaliyeyaasha caafimaadka ayaa muujiyey in ay si cajiib ah wax u barteen. Waxaan barney habraacyada suuxinta, waxaana aan ku kalsoonnahay in ay suuxin karaan ayna soo naaxin karaan bukaannada. Marka laga soo tago ka-suuxinta laf-dhabarta, waxaa ay sidoo kale sameeyeen suuxin guud, taas oo kabaabiyeyneysa oo seexineysa bukaanka,” ayaa uu yiri Gaashaanle Dhexe Stanley Ngang’a, oo ah Sarkaalka Sare oo Caafimaadka ee Isbitaalka Heerka 2aad ee ATMIS, oo ka hadlayey xafladdii qalin-jebinta ee Dhoobley ka dhacdey maalintii Arbacada ahayd.
“Waxaa sidoo kale la barey sida loo maamulo bukaannada xaaladdoodu adag tahay iyo sida loola shaqeeya dhakhtarka bukaan qalaya, taas oo ay ka mid tahay sida loo diyaariyo qalabka iyo sida loo jeermis-tiro tolliinka iyo qalabka kale,” ayaa uu hadalkiisa ku darey Gaashaanle Dhexe Ngang’a.
Taliyaha Sektarka Labaad ee ATMIS, Sarreeya Guuto William Kamoiro, ayaa hoosta ka xarriiqey muhiimadda uu tababarku u leeyahay sii wanaajinta kartida hawl-wadeennada caafimaadka ee degaanka si ay u sii wadaan bixinta adeegyo daryeel caafimaad oo tayo leh ka dib marka ay ATMIS ka baxdo Soomaaliya. Waxaa uu carrabka ku adkeeyey doorka ay shaqaalaha qalin-jebiyey ay ku leeyihiin habsami u maareynta isbitaalka.
“Qof walba adinka ayaa uu idin soo eegayaa. Inkasta oo laga yaabo in ay tiradiinu yar tahay, haddana isbitaalka iyo bulshada aad u adeegeysaan adinka ayaa ay idinku tiirsan yihiin. Waxaa la idin siiyey awood aad ku caawisaan dadka u baahan daryeelka caafimaadka. Waxaan ku jirnaa xilli kalaguur ah oo ay ATMIS si tabtiib-tartiib ah ay u baxayso oo adinkana si buuxda ula wareegi doontaan maamulka isbitaalkiinna,” ayaa uu Sarreeye Guuto Kamoiro ku yiri ardayda qalinjebineysey.
Cabdinaasir Maxamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Guud ee Dhoobley, ayaa ATMIS uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay sii wanaajinta daryeelka caafimaadka ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Waxaa uu muujiyey in uu kalsooni ku qabo in barnaamijka tababarku uu raad wanaagsan ku yeelan doono awoodda uu isbitaalku u leeyahay in daryeel tayo leh uu siiyo bulshada degaanka.
“Waxaan jeclaan lahaa in dhakhaatiirka, saraakiisha caafimaadka, iyo kaalkaaliyeyaasha caafimaadka ee Jubbada Hoose aan si kal iyo laab ah uga mahadceliyo dadaalkooda iyo taageeradooda aan masalka lahayn. Dadaalka hagar-la’aanta ah ee ay ku bixinayaan daryeelka caafimaadka ayaa ah mid dhab ahaantii ay aad ugu bogeen oo qiimo weyn u leh bulshadeenna,” ayaa uu yiri Agaasimaha Guud, isaga oo intaa raaciyey in ardayda qalin-jebinaysa ay diyaar u yihiin in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan dadka degaanka.
Ardayda qalin-jebineysey ayaa sidoo kale muujiyey in ay diyaar u yihiin in aqoonta iyo xirfdaha ay barteen ay ugu adeegsaan bulshada degaanka.
“Tababarka la xiriirey cilmiga suuxinta bukaannada ayaa ahaa mid aad muhiim u ah maaddaama isbtaalka uu joogo hal suuxiye oo keliya. Waxaan hadda si wanaagsan ugu diyaarsanahay in aan dad kale ku tababaro aqoontii iyo xirfadihii aan soo bartey,” ayaa uu yiri Faarax Garaad, oo ah kalkaaliye caafimaad oo ka hawlgala Isbitaalka Guud ee Dhoobley.
Zakariye Daahir, oo ah kalkaaliye caafimaad oo la shaqeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay tababarka gaarka ah ee ku saabsanaa sheybaarka ee uu qaatey, isaga oo ka hadley is-beddelka ku soo kordhey xirfadihiisa tan iyo markii uu barnaamijka tababarku bilowdey.
“ATMIS ayaa ina siisey koorsooyin tababar oo badan, anniga waxaan doortey in aan ku takhasuso sheybaarka. Waxaan aad ugu faraxsanaha in aan dhammeystey tababarka, waan dareemi karaa farqiqa u dhexeeya waxa aan hadda bartey iyo wixii aan aqaanney markii aan bilowney tababarka,” ayaa uu yiri Zakariye Daahir.
Isbitaalka Guud ee Dhoobley oo ku yaalla magaalada Dhoobley ee dhacda xuduudda Keenya iyo Soomaaliya ayaa adeegyo caafimaad oo kala duwan oo ay ka mid yihiin umulinta, caafimaadka carruurta iyo qalliinka ku bixiya gobolka Jubbada Hoose.