Home » L’ATMIS REND HOMMAGE AUX COMMANDANT SORTANT DE LA FORCE, LE LT-GEN SAM OKIDING

ATMIS oo Maamuus u Sameysay Taliyaha Ciidanka ee Xilka Ka Degaya, Sarreeye Guuto Sam Okiding

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 01 Abriil 2024 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku maamusay Taliyaha Ciidanka ee xilka ka tagaya Sarreeye Guuto Sam Okiding hoggaamintiisa ku dayashada mudan iyo in uu hawlgalka u horseeday guul intii uu xilka hayay.

Sarreeye Guuto Okiding  ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka ambabaxo aagga howlgalka ATMIS si uu u qabto xil cusub oo ah Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda.

Munaasabad sagootin ah oo Isniintii lagu qabtay Xarunta-Dhexe ee Ciidamada ATMIS ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka hadlay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee u qaabilsan Somaliya, Sivuyile Bam, oo ku ammaanay Sarreeye Guuto Okiding sida uu u maamulay hawlgalka caalamiga ah ee taageerada nabadda Afrika.

“Uganda waxaa ay ka faa’iiday khasaaraheenna. Markaad ku laabato Kampala, waxaan rajeyneynaa in aan kula shaqeyno meel kasta oo aad joogto. Waxaana balan-qaadaynaa in aan sii wadno wixii aan kaa dhaxalnay iyo in aan qabanno shaqada nalaga rabo” ayuu yiri Bam oo hadal ka jeediyay sagootintii.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada ATMIS oo uu horkacayo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada ee u qaabilsan dhanka Hawlgallada iyo Qorshayaasha Sarrreeye Gaas Marius Ngendabanka iyo dhigiisa u qaabilsan dhanka Taageerada iyo Saadka, Sarreeye Gaas Peter Muteti ayaa ka soo qaybgaley munaasabada.

Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada ATMIS ee u qaabilsan dhanka Hawlgallada iyo Qorshayaasha Sarrreeye Gaas Marius Ngendabanka ayaa ku ammaanay Sarreeye Guuto Okiding in uu ku hoggaamiyay qaybta militeriga ATMIS hirgelinta waajibaadkooda xitaa ka-dib marka tirade ciidamada la dhimay, oo mas’uuliyaha amniga-na lagu wareejiyay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

“Waxaan ugu mahadcelineynaa sida uu u hoggaamiyay qeybta militeriga tan iyo markii uu u yimid hawlgalka. Aad iyo aad ayaan u bogaadinaynaa hoggaankiisa. Waxa uu kor u qaaday wada shaqaynta Saraakiisha ee Xarunta-Dhexe ee Ciidanka ATMIS iyo dhammaan qaybaha kala duwan,” ayuu yiri Sarreeya Gaas Ngendabanka.

Sarreeye Guuto Okiding ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo awooda ciidamada militeriga ATMIS ee ay si guul leh ugu fulinayaan waajibaadka howlgalka inta lagu jiro marxaladda kala guurka. Waxa uu ballan-qaaday in ATMIS uu sii wadi doono ka faa’iidaysiga taageeradiisa marka uu la wareego xilka cusub ee loo magacaabay ee ah Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda.

“Codkayga waxaa hadda laga maqli doonnaa hawlgallada Soomaaliya. Waxaan u dagaalami doonnaa hawlgalkan gaar ahaan dhinaca awood siinta ciidamada oo aan wali xoogaa ku liidanno. Marka aan sii wadno dhimista ciidamada, oo ciidanku uu yaraado, waxaan u baahanahay waxyaabo kale oo beddela. Markaa, waxaan filayaa in aan meel wanaagsan joogi doonno si aan ugu doodo hawlgalladeenna,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Okiding.

Sarreeye Guuto Okiding ayaa la wareegay taliska ciidamada militeriga ATMIS bishii Maajo 2023, waxaana uu ku guuleystey wareejinta 13 saldhig oo kuwa furiimaha hore ah (FOBs) iyo wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada ammaanka Soomaaliya intii lagu guda jiray wejiyadii koowaad iyo labaad ee dhimista ciidamada ATMIS ayaa la soo gebbaggebeeyay bilihii Juun iyo Disembar ee 2023.

Sarreeye Gaas Ngendabanka ayaa si ku meelgaar ah ula wareegay mas’uuliyadaha madaxa ciidamada militeriga ATMIS ilaa uu ka imaanayo Taliyaha Ciidamada.

You may also like