Home » ATMIS honours Ghana Police officers for contribution to peace and security in Somalia

ATMIS AYAA KU MAAMUUSTAY SARAAKIIL KA TIRSAN BOOLISKA GAANA GACAN KA GEYSASHADOODA NABADDA IYO AMNIGA SOOMAALIYA

by Alex Kithumbu

Baydhabo, 22 Febraayo 2024 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku maamuustay saraakiil ka tirsan Unugga Booliska Gaana (FPU) sida gaarka ah ee ay uga qaybqaateen nabad-dhiska Soomaaliya. 

Saraakiisha, oo dhammeystay waajibaadkooda shaqo, ayaa lagu abaalmariyay bilado ay ku muteysteen hawlihii ay qabteen iyadoo biladaha lagu guddoonsiiyay laba xafladood oo ka kala dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne.  

Taliyaha Ciidamada Booliska ATMIS (CP) Hillary Sao Kanu, ayaa guddoominayay xafladda ka dhacday magaalada Baydhabo wuxuunna saraakiisha booliska ee Gaana ku ammaanay sida naf-hurnimada ah ee ay uga go’anayd in ay Soomaaliya dib ugu soo dabaalaan nabad iyo amni. 

“Waxaan halkan maanta u joognaa in aan ku maamuusno oo aan ku qaddarinno dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen saraakiisheenna sharafta leh ee halkan ku sugan. Wax badan ayaad qabateen oo annagana ma dhayalsan doonno waxa aad qabateen,” ayuu yiri Taliye Kanu. 

Taliye Kanu ayaa sidoo kale qiray iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada Itoobiya ee ATMIS iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CBS) wuxuunna sheegay in ay Ciidanka Booliska ATMIS u suuragelisay in ay waajibaadkooda gutaan. 

“Waxaan halkan u joognaa in aan taageerno oo aan siino intii karaankeena ah walaalaheen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaan idinkaaga mahadcelinaynaa ballan-qaadkiina,” ayuu hadalkiisa ku darey Taliye Kanu. 

Taliyaha ciidamada Itoobiyaanka ee ATMIS, Sarreeye Guuto Besfat Fent Tegegn, ayaa ugu mahadnaqay Gaana ee dhaqanka soo jireenka ah ee ka qayb qaadashada nabadda caalamka, gaar ahaan qaaradda Afrika. 

“Biladaha maanta la idin guddoonsiiyay waxay astaan u yihiin guusha iyo dhammaystirka quruxda badan ee socdaalkiinna shaqo ee halka sano ah. Waxaa howlgalka iyo dalkiinna ka dhigteen kuwo idinku faano,” ayuu yiri Sarreeya Guuto Tegegn. 

Magaalada Beledweyne, Isuduwaha FPU iyo Hawlgallada Booliska ATMIS, Taliye Ku-xigeenka Booliska (DCP) Axmed Latiif, ayaa ku ammaanay Saraakiisha Booliska Gaana waxqabadkooda wanaagsan iyo taageerada ay siiyaan Ciidamada Ammaanka ee Somaliya. 

“Waxay u qalmeen oo ay si fiican u guteen dhammaan waajibaadkooda shaqo ee laga codsadey in ay qabtaan,” ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Booliska Latiif. 

Taliye Kanu ayaa sidoo kale ugu mahadceliyey Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah ee ay siiyeen shaqaalaha ATMIS, taas oo u sahashey in ay gutaan waajibaadkooda. 

Guutadan waa guutadii saddexaad ee ka socota dalka Gaana oo ka mid noqotay hawlgalka Midowga Afrika. Inkasta oo saldhigoodu uu yahay magaalada Baydhabo, ee xarunta Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, unuggan ayaa sidoo kale waxaa magaalada Beledweyne ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle u joogay 33 askari oo boolis ah, kuwaasi oo taageero dhanka howlgallada ah siiya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. 

Gaana waa mid ka mid ah lix Wadan oo Ciidamo Boolis ah ku soo biirriyay ATMIS, dalalka kale waxay kala yihiin Kenya, Nayjeeriya, Siraliyoon, Ugaandha iyo Zambiya.

You may also like