Home » LE PERSONNEL FEMININ DE L’ATMIS CÉLÈBE LA JOURNÉE INTERNATIONALE DE LA FEMME EN APPELANT À L’INCLUSION DES FEMMES DANS LA PRISE DE DÉCISION

HAWEENKA NABAD-ILAALIYAASHA ATMIS AYAA XUSAY MAALINTA CAALAMIGA AH EE HAWEENKA IYAGOO KU BAAQAY IN HAWEENKA LAGA QAYBGELIYO GO’AAN QAADASHADA

by Alex Kithumbu

Muqdishu – Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, haweenka nabad-ilaaliyaasha ka tirsan Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku baaqay in dib loo cusboonaysiiyo ballanqaadka sinnaanka jinsiga iyo in haweenka laga qaybgaliyo madallada go’aan-qaadashada.

Munaasabadda oo ay guddoominayay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afirka u qaabilsan Soomaaliya, Sivuyile Bam, ayaa waxaa ka soo qaybgaley Taliyaha Ciidamada Booliska ATMIS, Taliso Hillary Sao Kano, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada ATMIS u qaabilsan Hawlgallada iyo Qorshayaasha Gaashaanle Marius Ngendabanka iyo dhiggiisa Taageerada iyo Saadka Sarreeye Gaas Peter Muteti.

Taliye Ku-xigeenka Booliska ATMIS, Taliye Martin Amoru iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale ka soo qeyb galay munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ciidanka Howlgalka ee Muqdisho.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ku ammaanay haweenka nabad-ilaaliyaasha ee ATMIS doorka ay ka qaadanayaan kobcinta kalsoonida, wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta bulshooyinka deegaanka iyo fududaynta in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

“Anagoo maanta qaddarinayna guulaha ay gaareen haweenka nabad-ilaaliyaasha ah ee ATMIS, aannu sidoo kale aqoonsano doorka muhiimka ah ee ay sii wadi doonnaan in ay ka ciyaaraan geedi socodka kala guurka ee socda. Waayo-aragnimadooda, aragtidooda iyo ballan-qaadkooda waa hanti aad u qiimo badan anagoo si dhow ugala shaqeynayna Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii loo xaqiijin lahaa kala-guur aan kala go ‘lahayn oo waara ee mas’uuliyadaha amniga,” ayuu Mr. Bam ku sheegay khudbadii uu ka jeedinayay munaasabadda.

Taliso Kanu, waxay hadalkeeda ku ammaantay haweenka Soomaaliyeed iyo haweenka nabad-ilaaliyaasha ah ee ATMIS in ay jabiyeen caadooyinka bulshada iyo in ay horay u galeen goobo ay raggu ku badnaayeen.

“Soomaaliya sida dalal kale oo badan oo ay aafeeyeen dagaalladu waxay soo martey xajin cajiib ah iyo adkeysi aan la rumaysan karin ee haweenkeeda kuwaas oo iyo haweenka nabad-ilaaliyaasha ah oo wadajira ay door muhiim ah ka qaateen qaabaynta dhismaha bulshadeena,” ayay tiri Taliso Kanu.

Waxay hoosta ka xariiqday baahida loo qabo sinnaanka jinsiga iyo abuurista deegaan ay haweenay ama gabar kastaba ay ku heli karto xuquuqda ay u leedahay waxbarasho, daryeel caafimaad, iyo awoodsiin dhaqaale.

“Aynu sii wadno awoodsiinta haweenka, kor-u-qaadista sinnaanta jinsiga, iyo qaabeynta mustaqbal ay haweenay ama gabar kastaba ay ku gaari karto awoodeedda oo dhan,” ayay tiri Taliso Kanu.

ATMIS waxay maalinta ku xustay hal-ku-dhegga ‘Dhiirrigelinta U-dhammaanshaha: U-dabbaaldegga hoggaanka iyo adkeysiga nabad-ilaaliyaasha haweenka ah.

Sarreeye Guud Ngendabanka ayaa iftiimiyay halkudhegga caalamiga ah ee sannadkan ‘Ku xisaabtama: Horumarka Dardargeliya’ in uu si fiican u bayaamiyay yoolka kor-u-qaadista ka-qaybgalka loo siman yahay ee haweenka ee hannaanada nabadda iyo amniga.

“ATMIS waxay sannado badan diwaangelisay horumar baaxad leh oo laga gaaray ka hawlgelinta haweenka ee hawlgallada nabadda, nabad-ilaaliyeyaasheenna haweenka ah ayaa muhiimad gaar ah u leh in ay awood u siiyaan ciidamada in ay la qabsadaan dhaqanka u gaarka ah xaqiiqada jinsiga ee ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Ngendabanka oo munaasabadda ku metalayay Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS .

Dabbaaldagyada ayaa isugu jiray heeso dhaqameed Afrikaan ah, dheel iyo waayo-aragnimada ciidamada nabad-ilaaliyaasha haweenka ee howlgallada dagaallada ee kala duwan ee dagaalka.

You may also like