Home » LE PERSONNEL FEMININ DE L’ATMIS À JOWHAR ET À DHOBLEY FAIT LE BILAN DE SES RÉALISATIONS

CIIDAMADA NABAD-ILAALINTA HAWEENKA AH EE ATMIS EE KU SUGAN MAGAALOOYINKA JOWHAR IYO DHOOBLEY AYAA QIIMEEYAY GUULIHII AY GAAREEN

by Alex Kithumbu

Jowhar, Dhobley – Female peacekeepers serving with ATMIS in Jowhar and Dhobley celebrated International Women’s Day  by reflecting on the challenges  and progress made in including women in leadership and decision-making roles.

Waxay sidoo kale qiimeeyeen waxyaabaha ay haweenka ciidamada ah ku biirriyeen taageeridda hannaanka nabadda eek a jira Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa sanad walba la xusaa 8-da Maarso si loogu soo bandhigo horumarka laga gaarey awoodsiinta haweenka waxaanna loogu dabbaaldegaa guulahooda aan caadiga ahayn, xuska sannadkan halku-dhiggiisu wuxuu ahaa “Dhiirigeli U-dhammaanshaha”.

Si ay u xusaan maalinta haweenka ka tirsan ciidamada ATMIS ee ku sugan magaalada Jowhar, ayaa soo qaban qaabiyay dhoolatus iyo ciyaaro dhaqameed. Magaalada Dhoobleyna, waxay ku qabteen xero caafimaad iyo bandhig. Haween, dhallinyaro, odayaal, hoggaamiyayaasha deegaanka, askar ka socotay ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay (QM) ayaa ka qeyb galay Munaasabada Maalintaasi.

Taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS ee Burundi ee jooga Jowhar, Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana, ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo haweenka si ay uga qeyb qaataan in nabad waarta ay Soomaaliya ka dhalato.

“Haweenka waa in lagu taageero waxbarashada waana in la siiyaa fursado ku filan si ay u go’aansadaan waxa saxda ah iyo waxa ku habboon,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Hatungimana.

Cidda Lagala  Xiriirro Arrimaha Jinsiga ee Booliska ATMIS ee magaalada Jowhar, Charity  Saluna, ayaa haweenka ugu baaqday in ay ku biirriaan nabad-ilaalinta iyo xafiisyada dowladda si loo sii wanaajiyo adeeg bixinta.

“Haween badan oo nabad-ilaalin ku jira waxay la macno tahay nabad-ilaalin wax ku ool ah. Waxaan ku boorineynaa ragga dhiggeena ah in ay taageeraan haweenka nabadda ilaaliya si loo horumariyo guud ahaan waxqabadka nabad ilaalinta” ayay tiri.

Taliye Ku-xigeenka Saldhiga Booliska Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar, Axmed Cabdule Madoobe, ayaa bogaadiyay tirada sii kordheysa ee haweenka isku qoraya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda dalka.

“Waxaa korortay tirada haweenka ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa in tiradu ay sii kordhi doonto, si ay waddada ugu xaarto fursadaha loo siman yahay ee ka-qaybgalka hawlaha dhaqaalaha iyo go’aan qaadashada,” ayuu yiri Axmed Cabdulle.

Magaalada Dhoobley, Taliyaha Ciidamada Kenya ee Qaybta ATMIS Sarreeye Guud Seif Saalim Rashiid, ayaa ku ammaanay haweenka ciidamada nabad-ilaalinta sida ay uga qayb qaateen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo sidoo kale sida ay ugu heellan yihiin hirgelinta qorshaha kala guurka.

“Adkeysigiinna, hoggaamintiinna iyo dadaalkiinna ku aaddan xaqiijinta ujeedooyinka howlgalka iyo horumarinta nabadda iyo amniga Soomaaliya lagama aamusi karo,” ayuu yiri Sarreeye Guud Seif.

Sarkaaladda Arrimaha Jinsiga ATMIS ee Dhoobley, Saddex Xiddigle. Valerie Shikuku, ayaa soo bandhigtay doorka ay haweenka nabad-ilaalinta ay ku leeyihiin horumarinta wada-hadalka, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Waxa sidoo kale muhiim ah in la caddeeyo caqabadaha aynu wajahno sida takoorka, dhibaataynta, iyo tacaddiga. Marka aan u dabbaaldegeyno Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, waxaan raga ugu baaqaynaa in ay u heellanaadaan awoodsiinta iyo taageeridda haweenka nabadda ilaaliya,” ayay tiri Saddex Xiddigle Shikuku.

You may also like