Home » ATMIS contributes to improving quality education in Jubaland State

ATMIS OO KA QAYBQAADANEYSA HORUMARINTA TAYADA WAXBARASHO EE DOWLAD-GOBOLEEDKA JUBALAND

by Alex Kithumbu

Kismaayo, 12-ka Disembar 2023 – Qayb ka mid ah Mashaariicdiisa Saameynta Degdegga leh (Quick Impact Projects) ahaan, ayaa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) wuxuu Iskuulka Axmed Gurey ee magaalada Kismaayo ka dhisay dhisme ka kooban shan-fasal oo uu qallabeeyay.  

Hawlgalka ATMIS ayaa si rasmi ah u wareejiyay maalintii Isniinta ahayd xaruntan waxbarasho ee cusub, oo ay maalgelisay dowladda Talyaaniga.  

“Waxbarashadu waxay muhiim u tahay horumarinta qaranka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Afrika. Waxay aasaas u tahay kor u qaadidda nabadda, xasilloonida iyo koboca. Mashruucan wuxuu muujinayaa sida ay ATMIS ugu go’an tahay doorka muhiimka ay ee ay waxbarashadu ka qaadaneyso qaabeynta mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu yiri Sareeye Guuto. Marius Ngendabanka, oo ah Taliye Ku-xigeenka Ciidamada ATMIS ee ka mas’uulka Hawlgallada iyo Qorsheyaasha, oo ka hadlay munaasabadii furitaanka rasmiga ah ee mashruuca.  

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Jubaland, Mukhtaar Kaamil Kule, oo metelayay dowlad goboleedka iyo bulshada degaanka, ayaa ATMIS ugu mahadceliyay taageeridda waxbarashada dowlad-goboleedka.  

“Ciidamada Difaaca Kenya ee ka tirsan ATMIS ayaa si weyn uga qayb qaatay horumarinta dalkeena marka laga soo tago ilaalinta amniga iyo in ay caruurteena siiyaan meel xasilloon oo ay wax ku bartaan. Inkasta oo aan maanta magaalada Kismaayo ka hadlayno waxbarasho, haddana suurtagal ma ahayn in waxbarashada laga hadlo kow iyo toban sano ka hor imaanshaha ATMIS,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.  

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “waaxda waxbarashada Soomaaliya waxa ay si weyn uga faa’iideysteen taageerada ATMIS” sida dhismaha iskuullo, bixinta agab waxbarasho, tayaynta tayada wax-barista iyo barashada iyo abuurista jawi wanaagsan oo ay ardaydu wax ku bartaan.  

Iyadoo ah qayb ka mid ah barnaamijka Xasillinta iyo Ka soo Kabashada Hore, ayay ATMIS wadaa taageeridda horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyadoo dhisaysa dhismayaasha iskuullada oo loo marayo Mashaarciida Saameynta Degdegga ah leh Quick Impact Projects (QIPs) ee goobaha laga xorreeyay Al-Shabaab.  

Sarkaalka Sare ee Arrimaha Bulshada u qaabilsan ATMIS, Dr Opiyo Ododa, ayaa bogaadiyay iskaashiga u dhaxeeya ATMIS iyo maamullada Dowlad-goboleedka Jubaland oo fududeeyay hirgelinta Mashaariicda Saameynta Degdegga ah leh (Quick Impact Projects).  

“ATMIS waxay waxbarashadu u aragtaa in ay tahay cunsur muhiim u ah dalkan soo koraya. Waxaan dadaalkeenna gelinno in aan iskuullo, isbitaallo iyo saldhigyo boolis ka dhisno magaalada Kismaayo. Waxaan ku faraxsanahay in aan wada shaqeyno dowladda Jubaland,” ayuu yiri Dr Ododa.  

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka soo qaybgaley Taliyaha Ciidamada Qaybta-Lixaad ee ATMIS Sareeyo Guuto Lukas Kutto, Taliyaha Guutada 2aad ee Ciidamada Lugta Qalabka Sita Gaashaanle Dhexe Eric Lovega, oo ay wehliyaan saraakiil ka socota maamulka Dowlad-goboleedka Jubaland iyo kooxda maamulka iskuulka.  

You may also like