Home » ATMIS commissions water project in Lower Shabelle

ATMIS oo mashruuca biyo gelin ah ka hirgelisay gobolka Shabeellaha Hoose

by Alex Kithumbu

Janaale – Shacabka ku dhaqan deegaanka Jannaale ayaa ka faa’ideystay biyo nadiif ah oo ay si wadajir ah u maalgaliyeen Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USAID, Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Goobtan biyaha nadiifka ah laga helo ayaa  waxay siin doontaa biyo la cabbi karo in ka badan 200 oo qoys waxayna yaraynaysaa masaafada dheer ee ay dadku u safri jireen biyo dhaamiska gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Guud ahaan, mashruucan ayaa awood u leh in uu 3000 oo litir oo biyo ah maalin walba gaarsiiyo bulshada ku dhaqan Jannaale iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan mar walba ka mahadcelin doonnaa mashruucan oo u sahlaya dadkeenna in ay helaan biyo nadiif ah oo la cabi karo. Waxa kale oo ay hoos u dhigi doontaa khatarta ah in ay qaadaan cudurrada ka dhasha biyaha,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jannaale, Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi.

Gudoomiye Cabdi oo si rasmi ah u guddoomay mashruucan isagoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa uga mahadceliyey Halgalka ATMIS iyo bah-wadaagta horumarinta sida ay u xaliyeen caqabadaha biyaha ee joogtada ah ee dadka deegaanka ah ay wajahaayeen.

Jannaale iyo bulshada ku xeeran ayaa waxaa ay muddo badan la wajahaayeen cudurro ka dhasha biyaha iyagoo dadka deegaanka ay inta badan ku tiirsanaayeen webi-xilliyeedka Shabeelle. Si kastaba ha ahaatee, heerka biyaha ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira isbeddelka cimilada iyo dhaqamada deegaanka wax yeeleeya.

Gaashaanle Dhexe Nelson Baringaya oo ka socday Ciidamada Uganda ee ka tirsan ATMIS, qaybtooda Battle Group 37, oo ka qayb qaatay munaasabadda wareejinta mashruuc biyoodkan ayaa sheegay in ciidamada ATMIS ay sugi doonaan amniga goobta mashruucan laga hirgeliyay si ay uga difaacaan falal kasta oo ay ku dhibaateynayaan maleeshiyaadkaa Al-Shabaab.

“Waan taageeri doonaa, waana ilaalin doonaa bulshada deegaanka si ay u helaan biyaha lagu isticmaalo guryaha iyo isticmaalka kale,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Baringaya.

 

You may also like