Home » L’ATMIS VIENT EN AIDE À 600 FAMILLES TOUCHÉES PAR LES INONDATIONS À BELETWEYNE

ATMIS OO CAAWISEY 600 QOYS OO AY FATAHAADUHU KU WAXYEELEEYEEN MAGAALADA BELEDWEYNE

by Alex Kithumbu

Beledweyne, 14-ka Disembar 2023 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo kaalmo ka helaya dowladda Talyaaniga ayaa sii waday dadaallada lagu yareynayo saameynta ay roobabka El Nino ku yeesheen Soomaaliya iyagoo ugu deeqay agab isugu jira cunno iyo kuwo aan cunno ahayn qoysaska ay fatahaaduhu ku waxyeeleeyeen magaalada Beledweyne.  

Taliye Ku-xigeenka Ciidamada ATMIS u qaabilsan Taageerada iyo Loojistiga, Sarreeye Gaas Peter Kimani Muteti, ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdulaahi Axmed Macalin, intii ay socotay munaasabad maalintii Arbacada lagu qabtey magaalada Beledweyne, oo ah magaalo ku taalla bartmaha Soomaaliya.  

Agabkan kala duwan oo loo qaybin doonno qoysaska ay sida ba’ani dhibaatada u taabatey ee ku jira Xeryaha Barakacayaasha (IDPs) ayaa waxaa ka mid ah sokor, bariis, saliid, digir, bur qamadi, baaldiyaal, maro kaneecooyin, baco iyo bustayaal.  

Sarreeye Gaas Muteti ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee caawinaya qoysaska ay dhibaatadu taabatey. Fatahaadaha xooggan ee dhowaan ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka hiiraan ayaa sababay in ay qoysas badani barakiciyaan isla markaana ay qalqal galiyaan maciishooyin badan.  

“Iyada oo maanka lagu hayo in ATMIS ay la timid saaxiibo istiraatiiji ah oo xaaladdanina ay tahay dawladda Talyaanigu si ay taageero ugu fidiso dadka ay sida aadka ah u saameysay dhibaatadan,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Muteti oo munaasabadda ku metelayay Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef.  

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdulahi Axmed Macalin, oo guddoomay deeqda, ayaa ugu mahadceliyay ATMIS iyo bah-wadaagta caalamiga ahba gargaarkan waqtigii loo baahnaa ay heleen. Wuxuu xaqiijiyay in si cadaalad ah gargaarka loogu qaybin doonno ka-faa’iideystayaasha.   

“Waxaan uga mahadcelineynaa deeqdan timid xilligii loo baahnaa, xilli ay u baahnaayeen dadkeenna gaar ahaan kuwa ku barakacay colaadaha iyo Al-Shabaab, iyo sidoo kale kuwa hadda ku barakacay fatahaadaha” ayuu yiri Guddoomiye Macalin.  

Deeqdu waa qayb ka mid ah ballanqaadka joogtada ah ee ay ATMIS ku caawineyso qoysaska ay waxyeeleeyeen roobabka El Nino. Toddobaadkii la soo dhaafey, ATMIS ayaa agab raashiin ah ugu deeqday 600 oo qoys oo ku barakacay fatahaadaha ka dhashey El Nino kuwaas oo ku nool Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.   

You may also like