Home » L’ATMIS et une Commission des Nations Unies se concentrent sur la protection des civils et le respect des droits de l’homme en Somalie

ATMIS IYO KOOXDA QM OO DIIRADDA SAARAYA IN AY SOOMAALIYA KA HIRGELIYAAN ILAALINTA SHACABKA IYO XUQUUQDA AADANAHA

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 4-ta Disembar 2024: Koox Hawleedda Isku-dhafka ah ee Hawlgalka ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Qaramada Midoobay ee Ku Hawlan Sharciga Difaaca Xuquuqda Aadanaha (HRDDP) ayaa maalintii axadda ahayd shir isugu yimid si ay uga wada hadlaan meelaha muhiimka ah ee ATMIS ee laga hirgelinayo HRDDP-ga Qaramada Midoobay. Shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saarey ilaalinta shacabka ee Wejiga 2aad ee dhimista ciidamada ATMIS. 

Shirka oo ay shir-guddoominayeen Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Anita Kiki Gbeho, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee ah Madaxa Xafiiska Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Aisa Kirabo Kacyira, Koox Hawleedda Isku-dhafka ah (JWG) ayaa hawlgal waday tan iyo 15-ka Febraayo 2014. Waxay si joogto ah dib-u-eegis ugu sameysaa ilaalinta iyo kor u qaadidda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, iyo dhaqangelinta HRDDP. 

Danjire Souef wuxuu soo bandhigay guulaha laga gaarey dadaallada kala duwan ee ATMIS, oo ay ku jiraan tababbarka, awaamiirta, iyo borotakoolada ka-qaybgalka, ee lagu wanaajinayo u hoggaansamidda Sharciga Bani’aadamnimada ee Caalamiga ah (IHL) iyo waajibaadka xuquuqda aadanaha. Wuxuu dhiirrigeliyay raadinta habab cusub oo lagu xoojinayo ballanqaadyadan iyo hirgelinta taabogalka ah ee HRDDP. 

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan UNSOM, Anita Kiki Gbeho ayaa carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in la qabto shirar heer-sare ah oo wax looga qabanayo caqabadaha soo ifbaxaya iyo fursadaha ka soo baxaya kala-guurka ATMIS, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo shirweynaha amniga ee dhowaan dhici doona. Waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leeyihiin tallaabooyinka la taaban karo ee ilaalinta shacabka iyo ka-qaybgelinta bulshada gobollada ay raadka ku yeellatey dib-u-qaabeynta ATMIS. 

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee UNSOS, Aisa Kirabo Kacyira, ayaa ammaantay wada-shaqeynta ka dhaxeysa QM iyo ATMIS, iyadoo diiradda saartey gaarista ujeeddooyinka la wadaago iyo mudnaansiinta baahiyda dadka Soomaaliyeed. Waxayna carrabka ku adkeysay baahidda muhiimka ah ee u hoggaasamidda xuquuqda aadanaha iyo fulinta xooggan ee tallaabooyinka khafiifinta, gaar ahaan marka la eego Shirka Amniga Soomaaliya ee dhowaan ka dhaci doonna magaalada New York. 

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada ay wadaan kooxaha korjoogteynta ATMIS iyo UNSOS ee ayididda sharciyada caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha, iyadoo ay carrabka ku adkeysa muhiimadda ay leeyihiin ilaalinta waqtiga iyo daahfurnaanta. 

Shir-guddoomiyayaasha ayaa ku bogaadiyay kooxaha farsamo ee isku dhafka ah ee ATMIS, UNSOM, iyo UNSOS dadaalladooda iskaashiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta HRDDP ee Soomaaliya. 

You may also like