Home » ATMIS iyo Dowladda Kazakhstan oo iska kaashanaya mashaariicda biyaha nadiifta ah ee Soomaaliya

ATMIS iyo Dowladda Kazakhstan oo iska kaashanaya mashaariicda biyaha nadiifta ah ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 4ta Diseembar 2023 – Si wada jir ah oo iskaashi ah ayey Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Dowladda Kazakhstan iska kaashanaya hirgalinta mashaariic biyo nadiif ah oo guud ahaan laga hirgalinayo Saldhigyada Booliiska. Hindisaha waxaa looga golleeyahay in kor loogu qaado awoodda booliska iyo horumarinta tayada nolosha ee meelaha la xoreeyey ee Soomaaliya.

Iyadoo la raacayo barnaamijka xasilinta iyo soo kabashada iyo maalgelinta US$137,000 oo laga heley Kazakhstan, ATMIS ayaa lagu wadaa inay hogaamiso mashaariicdan oo laga hirgalinayo Hirshabeelle, Jubaland, iyo Koonfur-galbeed oo ah Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka.

Mashruucan ayaa waxaa ka mid ah in la dhiso saddex ceel oo ku shaqeeya solar, oo leh agabka dhameystiran oo ay ku jiraan haamaha biyaha lagu keydiyo. Xarumahan laga dhisayo ayaa noqon doona kuwa istaraatiiji ah oo kala ah Saldhiga Booliska ee Garoonka Diyaaradaha Jowhar, Saldhiga Baakin ee Magaalada Baydhabo, iyo Xarunta Booliska Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa lagu xushey wadatashiyo dhameystiran oo ay sameeyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, iyo bulshada deegaanka, mashaariicda waxaa loogu talagalay in lagu kobciyo awoodaha shaqo ee saldhigyada booliiska iyadoo sidoo kale loo adeegayo baahiyaha bulshooyinka ku xeeran.

Sanadkii 2018, Dowladda Kazakhstan ayaa isla barnaamijkaan ku dhistey 16 ceel biyood oo laga dhisay dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaana ku baxday lacag dhan US$78,000. Qorshahan, oo uu fuliyay qandaraasle maxalli ah, ayaa si gaar ah u xoojisey helitaanka biyo nadiif ah ee Jowhar, taasoo yaraysay dhacdooyinka cudurrada biyaha ka dhasha.

Wadashaqeynta ATMIS iyo Jamhuuriyadda Kazakhstan waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay hagaajinta xaaladaha nololeed ee bulshada deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.

You may also like