Home » L’ATMIS REMET DE NOUVELLES SALLES DE CLASSE POUR AMÉLIORER L’ACCÈS À L’ÉDUCATION DANS L’ÉTAT DE JUBALAND

ATMIS OO WAREEJISAY FASALLO CUSUB SI KOR LOOGU QAADO HELIDDA ADEEGGA WAXBARASHO EE DOWLAD-GOBOLEEDKA JUBALAND

by Alex Kithumbu

Jubaland, 15-ka Disembar 2023 –Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maalintii Arbacada ahayd ayaa wareejiyay laba fasal oo dhowaan laga dhigay Dugsiga Hoose ee Kudhaa taas oo qayb ka ah dadaal socda oo lagu horumarinayo in degaamada fogfog ay helaan waxbarasho. 

Fasallada, oo maaliyad laga helay dowladda Talyaaniga lagu dhisay, waxaa furay Taliyaha Qaybta Lixaad ee ATMIS Sarreeye Guuto Lukas Kutto, waxaanna guddoomay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Dowlad-Goboleedka Jubaland Mukhtaar Kaamil Kuule oo ka wakiil ahaa maamulka iskuulka. 

Markii uu hadlayay Sarreeye Guuto Kutto wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay qaran-dhiska iyo sii wanaajinta in ay gaarto goobaha fogfog. 

“Labada fasal iyo kuwo kale oo aan weli la dhisin ayaa gacan ka geysan doonna horumarinta waxbarashada Jasiiradda Kudhaa. Sida aad ogtahayba, waxbarashadu waxay muhiim u tahay wax-ka-beddelka fikradaha dadka,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Kutto oo sidoo kale ku baaqay in daneeyayaasha ay si wadajir ah ugu dadaallaan horumarinta waxbarashada gobolka. 

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Dowlad-Goboleedka Jubaland Mukhtaar Kaamil Kuule, ayaa ATMIS uguga mahadceliyay taageerada, isagoo muujiyay saameynta wanaagsan ee ay fasallada cusub ku yeellan doonnaan helidda waxbarashada Jasiirada Kudhaa. 

“Qorshaha lagu horumarinayo laguna ballaarinayo dhismayaasha iskuullada ayaa sidoo kale u baahan iskaashiga iyo ka-qaybgelinta bulshooyinka degaanka iyo odayaasha, gaar ahaan tilmaamidda goobta mashaariicda laga hirgelin karo,” ayuu yiri wasiirka. 

Wuxuu mar kale ku celiyay ballanqaadka maamul ee lagu horumarinayo waxbarashada gobolka wuxuunna ka codsadey hay’adaha horumarinta in ay gacan ka geystaan dhismaha fasallo badan. Dhismaha fasallada wuxuu qayb ka yahay dadaallka socda ee Mashaariicda Saameynta Degdegga ah leh (QIPS) ee ATMIS, kuwaas oo hiigsanaya in ay Dowladda Xubinta ka ah Federaalka ka caawiyaan bixinta dhismayaasha aasaasiga ah ee ku yaalla goobaha la xorreeyay iyo sii wanaajinta wanaagga bulshooyinka degaanka. 

Maalintii Isniinta, ATMIS waxa ay ku wareejisay dhisme shan fasal ah ka kooban oo si buuxda ugu qalabaysan 100 miis oo laga dhisay dugsiga Hoose Dhexe ee Axmed Gurrey -oo sidoo kale ku yaalla magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland -si loogu haqabtiro baahiyada tirada sii kordheysa ee ardayda ka gudbaysa dugsiga hoose una gudbeysa dugsiga sare. 

Marka laga soo tago dhismaha fasallada, ATMIS ayaa sidoo kale fulisay mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin qodista ceelal-gacmeedyo, dhisidda saldhigyo booliis, iyo dayactirka waddooyinka si loo horumariyo maciishooyinka meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

You may also like