Home » Booliska ATMIS iyo Bahwadaagtiisa ayaa yeeshey Kulan ay Ooga wada hadleen Horumarinta Booliska dadweynaha iyaga oo kaashanaya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Booliska ATMIS iyo Bahwadaagtiisa ayaa yeeshey Kulan ay Ooga wada hadleen Horumarinta Booliska dadweynaha iyaga oo kaashanaya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Qeybta Booliska Dadweynaha ee Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Bahwadaagtiisa ayaa maalintii Axada aheyd yeeshey kulan ay dib u eegis ugu sameeyeen qorshayaasha ugana caawin lahaayeen booliska Soomaaliyeed(SPF)  la dagaalanka dambiyada.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha Booliska Soomaalieed ee arrimaha booliska dadweynaha G.sare C/llaahi Cumar, taliye ku xigeenka booliska xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Taageerida Soomaaliya(UNSOM), Pekka Kokkonen iyo wakiilo ka socday hay’adda Qaramada Midoobey ee UNDP.

ATMIS iyo Bahwadaagteeda waxay Booliska Soomaaliyeed ka caawinayaan dhismaha boolis dadweyne oo xooggan oo ah dariiq ay bulshada uga qayb qaadan karto la dagaallanka argagixisada iyo dembiyada kale ee ka dhax dhaca bulshada.

“Waxaa jirta baahi degdeg ah oo loo qabo ku wacyigalinta bulshada fikraddaa iyo ka dhax muuqashada booliska dadweynaha dadka dhaxdooda si ay u fududaato ka jawaabista fal danbiyeedyada kadibna la badiyo tabobarista boolis badan oo soomaaliyeed,” ayuu yiri Agaasimaha booliska Soomaaliyeed ee qaybka Booliska dadweynaha, G.sare Cumar.

Daraasado la sameeyey ayaa muujinaya xidhiidh adag oo is-aaminaad oo dhaxmara hay’adaha booliiska iyo dadweynaha ay u adeegaan ay keento in sifiican loo sugo amniga dadweynaha iyo in la helo boolis waxtar leh.

G.sare Cumar ayaa xusay in booliska soomaaliyeed ay horey u dajiyeen habab kala duwan oo shacabka lagu wacyigelinayo muhiimada booliska dadaweynaha ku waasoo kala ah ciyaaraha iyo madadaalooyinka.

 

 

 

You may also like