Home » Madaxa ATMIS oo booqday Baydhabo – lana kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed

Madaxa ATMIS oo booqday Baydhabo – lana kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed

by Alex Kithumbu

Baydhabo – Dib-u-heshiisiinta siyaasadda, dadaallada bini’aadantinimada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa ka mid ahaa qodobbo muhiim ah oo ay ka hadleen saraakiisha sare ee Halwgalka Ku-meel gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS  xilli ay booqasho ku joogeen magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wafdigan heerka sare ah oo ay hoggaaminayaan Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao, ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo xubno ka tirsan maamulkiisa iyo wakiilo ka socday ururada bulshada rayidka ah maalintii Talaadada.

“Waxaan ka wada hadalnay xaaladda amniga, Qarannimada, taageerada dadaallada socda xasilinta ee ay billowday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab,” ayuu yiri Danjire Souef, kadib kulankan ay albaabada u xirnaayeen.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday dhimista soo socota ee ciidamada ATMIS iyo diyaargarowga loogu jiro in lagusoo gabagabeeyo waqtigii loogu talo galay ee bisha June.

Dhimista ciidamada ATMIS aya waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670 kaasoo dhigaya in ATMIS la dhimo ciidamadeeda, si tartiib tartiib ahna loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga Ciidamada Amaanka Soomaaliya CXD.

Waftigan oo uu sidookale la socday Abaanduulaha cusub ee ciidamada ATMIS, Sareeye Guud Sam Okiding, taliyaha booliska ATMIS Hillary Sao Kanu iyo taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS u qaabilsan hawlaha iyo qorshayaasha Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Qaranka ee Itoobiya iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska wadanka Gaana ee ka tirsan ATMIS oo fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Labada shir ayaa diiradda lagu saaray daryeelka saraakiisha, xaaladda amniga ee gobolka iyo howlaha ATMIS ee ka socda gobolka.

“Waxaan ku faraxsanahay warbixinta dhiirigelinta leh ee aan kala qaadanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maamulka Degmada iyo Taliyaha Booliska Gobolka ee ah in Ciidamada ATMIS ay maalin kasta si wada jir ah ula fuliyaan Ciidamada Soomalida howlgallada lagu sugayo ammniga Dowlad Goboleedka. Hawlgalladu waa muhiim,” ayuu yiri Madaxa ATMIS Danjire El-Amine.

Marka loo eego Qeybaha ciidamada ATMIS, Baydhabo waa xarunta Qaybta 3-aad oo ay joogaan ciidamada Itoobiya. Waxa ay si wada jir ah ula shaqeeyaan cutubyo ka tirsan Unug-boolis oo la Sameeyey (FPU) oo ka socda wadanka Gaana iyo Saraakiisha Booliska Shakhsiyeed (IPOs).

Danjire Souef waxa uu ku ammaanay ciidamada Itoobiya iyo kuwa booliska Gaana sida xufan ee ay uga qaybqaataan amniga – dhimista khataraha ay geysanayaan Al-Shabaab iyaga oo adeegsanaya xeeladaha iyo hawlgallada joogtada ah, tababaridda iyo la-talinta Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo sugidda xarumaha dadweynaha iyo dhammaan garoomada diyaaradaha, si loo fududeeyo isu socodka ganacsi iyo kan arrimaha bini’aadinimo labaduba.

“Waan ku faraxsanahay in aan maqlo in aad si wada jir ah ula shaqeyneysaan Ciidamada Amniga  Soomaaliya iyo maamulada deegaanka dhanka howlgallada wadajirka ah. Aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay Taliyaha Qaybta, Sarreeye Guuto Besfat Fente Tegegn hoggaankiisa hufan iyo sida ay uga go’an tahay gudashada xilka ATMIS,” ayuu yiri madaxa ATMIS Danjire El-Amine.

Isaga oo ku carabka ku adkeeyay hadalka Madaxa ATMIS, ayuu Abaanduulaha Ciidamada ATMIS, Sareeye Guud Okiding, sheegay in kulammada iyo xog-isweydaarsigu ay ahaayeen kuwo wax-ku-ool ah oo wax badana lagu ogaaday.

“Waan ogaanay meelaha gaabiska ka jiro iyo waxa aan u baahanahay in aan sameyno si aan uga gudubno caqabadaha keenay. Waxaa naga go’an in aan xaqiijino in si habsami leh uu u socdo kala-guurka,” ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada ATMIS.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao, ayaa ku ammaanay ATMIS, Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida ay uga go’an tahay iyo wadashaqeynta lagu soo celinayo amniga iyo xasiloonida deegaanada dowlad goboleedka. Waxa uu dib u xaqiijiyay taageerada Shiinaha ee dadaallada amniga iyo nabad-dhisidda ee socda.

“Waxaa naga go’an oo aan aaminsanahay in si kasta oo ay u adag tahay, ay muhiim tahay in aan si wadajir ah u maal-gelino, anagoo ah Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah, dadaalada nabadda, xasilloonida iyo horumarka si aan u taageerno qaaradda Afrika,” ayuu yiri Danjire Shengchao.

Taliyaha Qaybta Saddexaad iyo Ciidamada Itoobiya ee ATMIS, Sarreeye Guuto Besfat Fente Tegegn, ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashada, waxa uuna ballan qaaday in ay ka go’an tahay fulinta howlaha loo igmaday.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa taliyaha guud ee ciidamada milateriga, Sarreeye Guuto Teggegn Kindu Gezu; Lataliyaha  Madaxa ATMIS, Sarreeye Gaas Fidza Dludlu; Ku-simaha Madaxa Taageerada Hawlgalka Mathias Ngarambe, iyo Madaxa Shaqaalaha Rayidka, Kojo Brew Acquaisie, iyo madax kale oo badan.

You may also like