Home » The Chairperson of the AU Commission welcomes the election of the Speakers and Deputy Speakers of the Somali Parliament

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo soo dhoweeyay doorashada guddoomiyeyaasha iyo guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya

by Alex Kithumbu
AU Chairperson

28 Abriil 2022, Addis Ababa: Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu soo dhoweynayaa doorashooyinkii guusha lahaa ee guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada baarlamaanka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya, oo qabsoomay 26 ilaa 28 Abriil 2022.

Gudoomiyuhu waxa uu hambalyo diiran u dirayaa mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo dhowaan loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”, Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyuhu waxa uu ku baaqayaa in doorashada madaxweynaha loo soo gebagabeeyo si nabad ah, wakhtiyeysan, laguna kalsoonaan karo oo ku qabsoonta si waafaqsan heshiisyadii 17 Sibteember 2020 iyo 27 Maajo 2021.

Haddaba, Guddoomiyuhu wuxuu ku celinayaa taageerada buuxda ee Midowga Afrika iyo Hawlgalkeeda Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS), ee ay kula shaqeynayaan dhammaan daneeyayaasha qaranka si loo helo nabad iyo xasillooni waarta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaa soo saaray:

Ebba KALONDO (Marwo)

Af-hayeenka Guddoomiyaha

Moobayl: +251 911510512

Twitter: @AUC_MoussaFaki/ @EbbaKalondo

You may also like