Home » LA SOUS-SECRÉTAIRE GÉNÉRALE DE L’ONU POUR L’AFRIQUE FÉLICITE L’ATMIS

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobey Uqaabilsan Aafrica oo Bogaadisey ATMIS

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 9 Noofambar 2023 – Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay (QM) oo ay hoggaaminayso Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Afrika (ASG), Martha Pobee ayaa Arbacadii bogaadiyay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) kaalintooda ay ka qaateen nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Ma dhihi karo wax badan oo ku saabsan ATMIS iyo hawlgalkii ka horreeyay ee AMISOM, shaqada weyn ee ay qabteen, doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka qaateen horumarinta nabadda iyo amniga dalka,” ayuu tiri ASG Pobee, intii lagu jiray kulan ka dhacay xarunta hogaaminta  ATMIS ee caasimadda Muqdisho.

ASG Pobee waxay la kulantay hogaanka sare ee ATMIS, oo ay ku jiraan madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, Taliyaha Ciidanka, Sar. G. Sam Okiding, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka qaybta Taageerada iyo Saadka Sar. gas. Peter Muteti.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ee la socotay ASG Pobee ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa Xafiiska Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Catriona Laing, iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Aisa Kirabo Kacyira.

ASG waxay sheegtay in booqashadeedu ay muhiim u tahay xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa ATMIS, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (FGS) iyo saaxiibada caalamiga ah iyo qaabeynta xaaladda amniga Soomaaliya kadib marka ATMIS ay baxdo December 2024-ka.

“Marxaladdan, waa inaan arko sida ugu wanaagsan ee aan u qaabeyn karno qorshaha ama qaabeynta 2024 ka dib. Doorkeena wafdi ahaan waa inaan la hadalno ATMIS, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), si aan u aragno sida isbedelka amniga uu u noqon karo mid lagu xoojiyo guulihii lagaarey, naf hurid weyn ayaa naga gashay, waxaana mahad leh ragga iyo dumarka doorka ka qaatay arrintan,” ayuu tiri ASG Pobee.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa #ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa iftiimiyay doorka ATMIS ee xasilinta Soomaaliya iyo dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo in si habsami leh loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Danjire Souef ayaa sidoo kale xusay in ciidamada amaanka Soomaaliya ay guulo ka gaareen howlgallada dagaal, islamarkaana ay ka xoreeyeen deegaannadii ay horay u maamuli jireen argagixisada Al-Shabaab.

“Waxaan ognahay in ujeeddada ugu weyn ee ATMIS, DFS iyo QM maanta ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab. DFS ayaa qaaday dhowr tilaabo oo ay kaga adkaaneyso Al-Shabaab iyagoo ku sugan jiida hore ee dagaalka, waxa ay qaadeen howlgalo guracan iyagoo taageero ka helaya ATMIS iyo saaxiibada caalamiga ah” ayuu yiri Danjire Souef.

You may also like