Home » CIIDAMADA NABAD-ILAALINTA EE UGANDA EE JOOGA SOOMAALIYA OO XUSAY MAALINTA ‘TAREHE SITA’

CIIDAMADA NABAD-ILAALINTA EE UGANDA EE JOOGA SOOMAALIYA OO XUSAY MAALINTA ‘TAREHE SITA’

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 6 Febraayo 2024 – Askarta Ciidamada Difaaca Dadka ee Uganda Peoples Defence Forces (UPDF) ee la shaqeeya Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa maanta fuliyey hawlo caafimaad iyo kuwo nadafadeed oo ay ku xusayeen Maalinta ‘Tarehe Sita’.

Maalinta ‘Tarehe Sita’ ayaa sanad kasta la xusaa 6da bisha Febraayo, si loogu dabaaldego maalintii uu Madaxweyne Yoweri Museveni uu ciidanka National Resistance Army (NRA) uu sanadkii 1981 hoggaamiyey, si ay u bilaabaan halgan hubeysan oo ka dhan ah keli-talisnimadii ka jirtey Uganda.

Sanad-guurada 43aad ee maalinta Tarehe Sita ayaa loo dabaal-degey iyada oo uu hal-ku-dheggeedu ahaa, “U-dabaal-degidda Halganka Dadku u soo galeen helidda Nabad iyo Amni looga danleeyahay is-beddel bulsho-dhaqaale.”

Taliyaha Ciidanka ATMIS, Sarreeye Guud. Okiding, ayaa ka-qaybgaley hawshii nadaafadeed ee laga fuliyey agagaarka suuqa Marina ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgaley saraakiil sare oo uu ka mid ahaa Taliye-ku-xigeenka ciidamada ka socda Uganda ee ka tirsan ATMIS.

Taliye, Korneyl. Friffins Kantinti, oo ah Sarkaalka ugu Sarreeya ee Maamulka, Korneyl Emmanuel Ewana iyo Taliyaha Unugga Ilaalada Qaramada MIdoobey ee UN Guard Unit (UNGU), Gaashaanle Dhexe  Peter Omeja.

“Sanad kasta dabaal-deg ayaan u sameynaa maalintan, iyada oo ah u-mahadcelin iyo abaalgud aan u sameyneyno dadka iyo annaga oo xusuusaneyna dadka. Ciidamada UPDF waa ciidankii dadka, waa taas sababta aan u bixineyno adeeg caafimaad oo gaar ah oo lacag la’aanna ah sida aan maantaba sameyneyno, si aan wax uga qabanno baahiyaha xooggan ee dadka,” ayaa uu yiri Korneyl Kantinti, oo wakiil ka ahaa Sarreeya Guud Okiding.

Waxaa uu sheegey in u-dabaa-degidda maalinta ‘Tarehe Sita’ ay ahayd qaab dadka reer Soomaaliya loogaga mahadcelinayo taageeradii ay ciidamada nabad-ilaalinta ATMIS ee reer Uganda ay ku siiyeen la-dagaallanka Al-Shabaab.

Labada maalmood ee adeegyadaasi caafimaadka la bixinayey, ayaa bukaannada waxaa la siiyey daaweyn takhasusi ah oo lacag la’aan ah, taas oo ay ka mid ahaayeen baaritaanka aragga indhaha, daaweynta ilkaha, iyo daaweynta cudurro guud oo kale.

“Waxaan bixinta adeegyada caafimaadka ee gaarka ah bilowney shaley, 5tii bisha waxaana aan qaabilney in ka badan 250 bukaan oo yimid iyaga oo qaba xaalado caafimaad oo kala duwan, waxaana rajeyneynaa in dad intaa ka badan ay imaan doonaan. Waxaan bulshada ku dhiirrigelineynaa in ay ka-faa’iideystaan adeegyada caafimaad ee lacag la’aanta ah” ayaa uu yiri Dhamme Dr Ojok, Sarkaalka Madaxda ka ah Isbitaalka goobta ee heerka 2aad ee ATMIS ku leedahay Muqdisho.

Khadra Cabdullaahi, ayaa ka mid ahayd dadka deggan degmada Xamar Jajab, oo daaweyn u soo doontey muddadii ay adeeg-bixinta caafimaadka ee lacag la’aanta ah ee dadka goobtooda loogu geeyey ay socotey.

“Waxaan go’aansadey in aan ka faa’iideysto adeegyada caafimaad oo aan daaweyn u soo doonto caabuq i hayey iyo laab-jeex joogto ah oo aan la silicsanaa muddo aad u dheer. Dhakhaatiirta reer Uganda ayaa daawo ii qorey, aad baanna uga mahadcelinayaa gacanqabashadooda,” ayaa ay tiri Khadra.

You may also like