Home » Top AU official optimistic about new Somalia peacekeeping mission

Saraakiisha ugu sarreeysa AU oo rajo ka qaba howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya

by panyo

Muqdisho, 1 Maarso 2022—Kaddib saddex maalmood oo kulan heersare ah lala yeeshay madaxda dowladda, xubnaha bulshada rayidka ah iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah, ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amnigu wuxuu sheegay in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu diiradda saari doono xasilinta iyo geeddi-socodka dawlad- dhisidda oo laakiin leh aragti higsanaysa yool cad oo dhammaad leh.

Danjire Bankole Cadeooye ayaa maanta oo Isniin ah saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, kaddib dhammaadka booqasho saddex maalmood ah oo uu ku joogaey Soomaaliya.

“ATMIS waxa uu 100% la jaan qaadayaa Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya. Tani waxay tusinaysaa in istiraatijiyadda Dowladda Soomaaliya iyo (ujeedada) ATMIS-ka la is waafajin doono. Tani waa qodobka koowaad ee isbeddelka samayn doona,” ayuu yiri danjire Adeoye.

Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla meel dhigay qorshaha lagu bedelayo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo lagu bedelayo howlgal cusub oo loogu magac daray Howlgalka Midowga Afrika ee Kala-guurka ah ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo ogolaansho ka sugaya labada dhinac ee Nabadda iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika iyo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Waqtigan oo kale, qorshaha Soomaaliya wuxuu dhab ahaantii hor iyo dhex u yahay ATMIS, iyadoo taageero buuxda laga helayo Midowga Yurub iyo guud ahaan hay’adaha Qaramada Midoobey,” ayuu ku daray Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Waxa uu sharraxay in howlgalka cusubi uu noqon doono mid dhinacyo badan leh, iyadoo shin-tirisyo cad diiradda lagu saarayo xasilinta iyo hannaanka dowlad-dhisidda oo laakiin leh yool cad oo dhamaad leh.

“ATMIS waxa ay yeelan doontaa ciidan guurguura oo firfircoon oo si degdeg ah u dumin kara, una baabi’in kara argagixisada ama kooxaha hubeysan ee nolosha ku adkeynaya dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

“ATMIS waxa ay yeelan doontaa sifo howlgal oo leh yool dhamaad leh, hadafka ugu dambeeyana waa in si buuxda mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Axadii, Danjire Adeooye ayaa kulamo la qaatay Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’; Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Mas’uulka ugu sarreeya Midowga Afrika ayaa sheegay in ansixinta Fikradda Hawlgallada (CONOPs) iyo soo jeedintii wadajirka ahayd ee horraantii bishii Febraayo ee la soo dhaafay ay Midowga Afrika iyo Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee ay khusaysay ay ahayd mid wadatashi ah oo dhammaystiran iyo hannaan lagu hagayo mabaadi’yo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, lahaanshaha iyo hoggaaminta qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo u hoggaansanaanta ruuxda wadaxaajood siyaasadeed, loo dhan yahay iyo dib-u-heshiisiin.

“Waxa aan halkan ka qaadanayaa waa in Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya ay ku sii jiraan higsiga iyo himilada Midowga Afrika ee ah in la dhiso qaarad isku xiran, barwaaqo iyo nabad ah,” ayuu yiri Danjire Adeoye.

Intii uu ku guda jirey booqashadiisa, waxa uu la kulmay wakiillo ka socdey dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo kuwa Booliska, kuwaasi oo uu ku ammaanay guulihii muhiimka ahaa ee ay AMISOM gaartey 15-kii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid tahay qabashada dhul ballaaran oo ay gacanta ku haysey Al-Shabaab iyo abuurista xaalado wanaagsan dhan dowlad-dhisidda iyo dib-u-dhiska haykalkii dowladnimo iyadoo loo marayo nidaamka federaalka.

You may also like