Home » Le Président de la Commission de l’Union Africaine félicite le président nouvellement élu de la Somalie, Hassan Sheikh Mohamud

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa u hambalyeeyey madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

by Alex Kithumbu
AU Chairperson

Addis Ababa, 16 Maajo 2022: Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa u hambalyeeyey H.E. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah 15-ka Maajo 2022 oo uu kala hadlay doorashadiisa taariikhiga ah ee loogu doortay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay wada qabteen Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Guddoomiyuhu wuxuu ammaan u soo jeediyey Madaxwaynaha xilka ka degaya, H.E. Maxamed C/llaahi Farmaajo kaasoo muujiyey hoggaan adag iyo inuu yahay nin qaran sida uu u aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah ugu ammaanay dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Xildhibaannada Baarlamaanku sida wanaagsan ee ay u muujiyeen waddaniyadda iyagoo si habsamida leh u qabtay doorashada, isagoo sidoo kale garwaaqsaday doorka muhiimka ah ee ay cayaarayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee KMG ah ee ATMIS oo dammaanad qaaday amniga guud ahaan intii uu socdey hannaanka doorashadu.

Guddoomiyuhu wuxuu ku celinayaa taageerada joogtada ah ee Midowga Afrika uu siinayo Soomaaliya taasoo ku dhisan dadaallada  qotada dheer ee loogu jiro dowladnimada dimoqraadiga ah, horumarinta dib u heshiisiinta qaranka iyo soo celinta nabadda, xasilloonida iyo amniga.

 

__________________________________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriiri

Madaxa Saree ee Warfaafinta ama Af-hayeenka Ciidankaar

Marwo. Gifty Bingley or G. Dhexe Daniel Mugoro Muiruri,
Iimeyl: 
au-amisomhom@africa-union.org
Taleefanka Gacanta: (Somalia) +252 617 682 175/+252 613 665 356; (Nairobi) +254 722 788 975

You may also like