Home » Warbixinta Golaha Amaanka ee QM ee Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef

Warbixinta Golaha Amaanka ee QM ee Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef

by Alex Kithumbu

Warbixinta Golaha Amaanka ee QM

ee

Danjire Mohamed El-Amine Souef

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS,

New York, 22 Juun 2023

Mudane Madaxweyne,

Mudanayaal/Marwooyin

Xubnaha Sharafta leh ee Golaha

Waxaan jeclaan lahaa in aan idiinka mahadceliyo fursadda aad maanta ii siiseen in aan khudbad ka jeediyo golaha hortooda, isla markaana aan idinla wadaago falanqaynteyda ku aaddan horumarradii ugu waaweynaa ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee bilihii la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya, taas oo hordhac u ah dib u cusboonaysiinta shaqada ATMIS oo waqtigeedu dhammaanayo. dhowr maalmood gudahood.

Ugu horeyn, in aan xasuus mug leh ku xasuusto dhammaan askartii naftooda ku waayey gudashada waajibaadkooda shaqo ee Soomaaliya. Kaalintii ay ka geysteen nabadaynta dalkan, naftood hurayaasha, lama ilaawi doono.

Mudane Madaxweyne,

Waxaa kaloo sharaf ii ah inaan maanta la hadlo anigoo garabtaagan H.E. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Anigoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika, waxaan jeclaan lahaa in aan aqoonsado hoggaankiisa quruxda badan ee uu u horseeday Soomaaliya si ay u hesho nabad iyo ammaan waara.

Waxaan bogaadinayaa iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya ATMIS, DFS iyo saaxiibada Beesha caalamiga ah ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada si loo helo nabad, dib u heshiisiin, iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.

Waxaa saaka hortay hadashay danjire Catriona Laing, Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Joogitaanka labadaanadaba halkan waxay na tuseysaa iskaashiga gaarka ah ee ka dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

23-dii May, Soomaaliya waxa ay xustay munaasabad muhiim ah oo loogu dabaal degayay sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii uu xafiiska ku soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Soomaalida ayaa isugu soo baxay si ay u xusaan munaasabaddan, dibna ugu dhawaaqey baaqa nabadda, xasilloonida, iyo horumarka.

Marka aynu dib u milicsano sannadkii ina dhaafay, waxa cad in xasilloonidii ka dhalatay bishii May ee la soo dhaafay ay keentay faa’iido badan, marar badanna, ay dhaaftay wixii la filayey. Horumarka ilaa hadda la gaaray ayaa sidoo kale ka marag kacaya adkeysiga iyo go’aan qaadashada dadka Soomaaliyeed.

Tan iyo warbixinteydii bishii Febraayo, Soomaaliya waxa ay sii waday in ay diiradda saarto sidii ay is-afgarad ooga yeelan lahaayeen arrimo muhiim ah ee la rajaynayo iney dalka u horseedaan isbedelo Muhiim ah. Waxaan ku faraxsanahay in aan idiin cadeeyo in isteerinkii lagu horumarin lahaa isbeddelku uu yahay Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC). Bishii Disembar 2022, Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waxay ku heshiiyeen Habka Garsoorka Federaalka, oo ah guul istiraatijiyadeed oo loo qaaday dhismaha nidaamka garsoorka federaalka ee madax-bannaan ee Soomaaliya. Bishii Maarso 2023, waxaan lagaarey heshiis taariikhi ah oo ku saabsan qaab dhismeedka Amniga Qaranka, halka May, Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ay gaaareen heshiis ah in Soomaaliya lagu celiyo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Heshiiskii Dhismaha Amniga Qaranka, waxaan rajaynaynaa in aan ka shaqayno in badan oo ku saabsan sidii heshiiska loogu Daadajin lahaa dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah dawladda dhexe iyo in la sameeyo qorshe adag oo la awoodi karo in la fuliyo. Qorshooyinka Soomaaliya ee ku aaddan doorashooyinka mideysan, Midowga Afrika wuxuu sii wadi doonaa taageerada ah inuu siiyo khubaro aqoon uleh doorashooyinka ayna si wadajir ah ula  shaqeynayaan sidii loo heli lahaa dawlad loo wada dhan yahay oo Soomaali ah.

Tan iyo markii dowladda la dhisay bishii Agoosto ee la soo dhaafay, waxaan aad ula dhacay xiriirka wadashaqeyneed ee ka dhexeeya laamaha fulinta iyo sharci dejinta. Labada waaxood waxaa ka go’an in Soomaaliya lagu xukumo iyadoo sharciga la ilaalinayo. Waxaa kale, bogaadinayaa saxiixa dhowr hindise sharciyeed.

Waxaa sidoo kale la qaaday tallaabooyin dhiirigelin ah oo muujinaya in dhameystirka Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la dhameystiri doono inta lagu guda jiro xilliga ay shaqeyneyso Dowladda Federaalka ah. Waxaan kaloo soo dhawaynayaa ku dhawaaqistii dhawaan ay ku dhawaaqeen hay’adaha dastuuriga ah ee loo igmaday in ay ku dhamaystirayaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka muddo 18 bilood ah. Dhamaystirka hawshan dib-u-eegista Dastuurka oo si guul leh u soo dhammaata waxay saamayn weyn ku yeelan doontaa mustaqbalka Soomaaliya. Sidaa awgeed Waxay u baahan tahey is-afgarad ballaaran oo heer qaran ah oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, odayaal dhaqameedka, ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada, oo ay ku jiraan kuwa ka socda Puntland.

Mudane Madaxweyne,

Markaan usoo jeesto xaaladda amniga.

Waxaan sii wadeynaa qiimeynta in amnigu uu weli yahay mid xasiloon laakiin markasta isbadalikaro. Iyadoo Al-Shabaab ay tahay khatarta ugu weyn ee Soomaaliya, iyo gobolkaba. Waxaa guulo waaweyn oo muhiim ah laga gaaray wiiqista awooda Al-Shabaab. Duulaanka ay hogaaminayaan Ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF) ayaa Al-Shabaab ka saaray in ka badan 70 goobood oo ku yaalla guud ahaan dalka Soomaaliya inta uu socdo duulaankaas. Iyadoo ay garab socotey taageerada iyo latalinta ay ciidamada Amaanka Soomaaliya ka helayaan ATMIS  ee ku saabsan muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta Sharciyada Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada iyo ilaalinta rayidka.

Waxaa cad in Dullanka ay hormuudka kayihiin Ciidamada Amaanka Soomaaliya, oo taageero ka helaya ATMIS iyo saaxiibadooda caalamiga ah uu Al-Shabaab geliyey cadaadis adag. Si kastaba ha ahaatee, ATMIS, waxay maanka ku haysaa in Duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay Duulaan waqti dheer socondoona una baahan hab cilmiyeysan.Waxaa jiri doona maalmo guulo waaweyn lagaari doono iyo maalmo uu imaan doono dib u dhac.

26-kii Maaj, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ATMIS ee Buulo Mareer, taasoo keentay in askar badan ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaarto.iyadoo isla markii uu dhacay weerarkaas ay ATMIS iyo ciidanka amaanka Soomaaliya oo wada jir ah ay dib u qabsadeen Saldhiga.

Wajiga xiga ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa noqon doona mid muhiim ah iyadoo Al-Shabaab ay isku dayeyso in ay xoojiso qaab dhismeedkeeda maamul ee wiiqmey. Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka dawladda Faderaalka ee ah in Duulaanka la balaariyo oo  lagu soo daro dawladaha safka hore [Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya].

Hawlgalka isagoo ujeedkiisu yahey mid millatari, hadana waxuu yeelan doonaa qorshooyin xasilin ah oo cad si loo xaqiijiyo in guulaha ciidan ee lagaaro ay noqdaan guulo istiraatijiyadeed. Hadda, ATMIS iyo Dawladda Federaalku waxay sameeyaan la tashiyo joogto ah si loo sameeyo isku-dubarid iyo hogaamin fiican oo ku saabsan ka qaybgalka dawladaha safka hore ee weerarka soo socda.

Mudane Madaxweyne,

Aan uga faa’iidaysto fursadan si aan Golaha ooga warbixiyo  dadaalka ATMIS ee hirgelinta  isbeddelka amni.

Saddexda qaybood ee howlgalka ayaa hada yeeshey hoggaamin cusub. waxaana sida kor ku xusan si guul leh ula shaqeyney oo taageernay duulaanka ay Ciidamada Amaanka Soomaaliya hormuudka ka yihiin. Waxaan Dhawan bishii Abriil u gudbinnay golaha halbeegyada amniga, taasoo muujineysa iskaashiga adag ee aan la leenahay Dowladda Federaalka.

Waxaan ku faraxsanahay inaan ka warbixiyo horumarka joogtada ah ee laga gaaray barnaamijka dhisida ciidamada Dowladda Federaalka, shaqaalaha ATMIS waxay kordhiyeen howlahooda latalinta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF). Si aan hawshan u sii wadno, waxaanu ka codsanaynaa deeq-bixiyeyaasha ATMIS inay sii wadaan taageerada ay siiyaan booliiska ee ku aaddan tababbarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF).

Hadii aan u leexanno arinta muhiimka ah oo ku saabsan isbeddelka amniga, waxaan Golaha u sheegayaa in dhimista 2000 oo askari oo ATMIS ah sida ku cad go’aannada Golaha Ammaanka ee kala ah 2628 (2022) iyo 2670 (2022) hadda la dhaqan-galiyay (Marka Ayuub oo lagu wareejiyay 18-kii June. Xaadicali 20 June, Mirtquo la wareejiyey 23 June, Albao 23 June, Cadale 27June, Aljezeera 1 28 June iyo Gherille 30 June).

Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo ATMIS ee Diyaarinta “Qorshaha Muqdisho” ee dhimista 2000 oo askari ee ciidamada ATMIS bisha Juun. Mawqifkan wadajirka ah ayaa lagu heshiiyey Shir-madaxeedkii Kampala ka dib wadatashiyo dhammaystiran. Natiijo ahaan, dhimista ciidanka bisha Juun waxay ku sii socotaa taageerada UNSOS waxaana la dhameystiri doonaa ugu dambayn 30ka Juun.

Marka la dhammeeyo wejiga koowaad, gaar ahaan dhimista Ciidamada ee toddobaadka soo socda, hawlgalka ATMIS waxuu diyaarin doonaa Xoogaga Falcelinta Degdega ah iyo Ciidamada Wareega.

Waxaan sidoo kale diyaarin doona  taageerayaal diyaar ah, sida Diyaaradaha qumaatiga ukaca ee wax weerara iyo qalab casriga ah ee ilaalinta sirdoonka iyo sahanka fog (ISR) iyo qalabyada casriga ah ee  Kahortagga walxaha qarxa. Tani waxay kor u qaadi doontaa awoodda hawlgaka ATMIS, taasoo awood u siinaysa howlgalku inuu si wanaagsan uga jawaabo baahiyaha howlgallada ciidamada ammaanka Soomaaliya ee goobta dagaalka

Mudane Madaxweyne,

18 bilood ee soo socda, waa in aan heshiis wadareed ka gaarno doorka uu hawlgalka ATMIS- qaadan doono marka uu bilaabayo dhimista ciidamada uga danbeyna ka baxayo Soomaaliya. Waxaa kaloo ah in aan dhammaanteen gaarno is-afgarad ku saabsan waxa dhabta ah ee Soomaaliya ay tahay in ay gaarto 18-ka bilood ee soo socda si loo xaqiijiyo in kala-guurka ATMIS uu noqdo mid guuleysta.

Mudane Madaxweyne,

Arrin kale oo u baahan in aan ku baraarugsanaano ayaa ah wax ka qabashada saameynta isbedelka cimilada. Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay heerka cabsida leh ee ay ku socdaan  fatahaadaha iyo abaaraha. Sida dhawaan lagu sheegey warbixinta Xoghayaha Guud, fatahaadaha iyo abaaraha waxay horseedeen barakaca ku dhawaad 1.4 milyan oo Soomaali ah, iyadoo haweenka iyo carruurta ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameeyeen. Sanadihii hore, ATMIS waxaay taageero ufidisay barakacayaashaas, gaar ahaan kuwa kusugan meelaha ay ka shaqeyso. Marka xiligan ay ATMIS dhimeyso Ciidamadeede iyo goobaha ay ku suganyahiin, Soomaaliya waxay u baahan doontaa taageero dheeraad ah, gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa fatahaadaha iyo abaaraha.

Aan ku soo gunaanado Mudane Madaxweyne, hadallo ku saabsan dib u cusboonaysiinta qorshooyinka soo socota. Waxaan aaminsanahay inaan haysano fursad aan ku wanaajino qorshooyinkii hore anagoo la jaanqaadayna qorshaha amniga ee dowladda. Waa in aan taageernaa hoggaanka Ciidamada amniga Soomaaliya, Si ay uqabtaan meelaha la xoreeyey, ulana wareegaan Saldhigyada, Ciidamada waxey u baahan dhaqaale ay kula dagaalamaan Al-Shabaab iyo sidii ay u xasilin lahaayeen deegaanada dhawaan laga saaray. Tani waxay ku baaqaysaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

سيدي الرئيس،

يحتاج الصومال إلى جميع شركائه وأصدقائه لتحويل حلم السلام والاستقرار والأمن إلى حقيقة دائمة. ولذلك ، فإنني أحيي تصميم الحكومة وإرادتها السياسية على حشد جميع القوى النشطة لضمان النجاح الكامل في تنفيذ المرحلة الانتقالية التي ستفتح صفحة جديدة في تاريخ الصومال الحديث.

وما زلت مقتنعا بشكل خاص بأن الصومال والشعب الصومالي يمكنهما أيضا الاعتماد دائما على كرم وكرم ودعم مجلس الأمن والمجتمع الدولي بأسره في بناء حاضر ومستقبل أفضل.

شكرًا

You may also like