The UN Security Council Resolution 2767 (2024) endorsed the African Union Peace and Security Council’s decision to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) with the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) with effect from 1 January 2025.
Home » Communiqué attribuable au Porte-parole du Secrétaire-Général – sur la Somalie

War-Saxaafadeed Uu Soo Saaray Af-Hayeenka Xog-Hayaha Guud ee Qm- oo Ku Saabsan Soomaaliya

by Alex Kithumbu

6da Maajo

Stéphane Dujarric, Af-Hayeenka Xog-Hayaha Guud

Xoghayaha Guud ee QM ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Al-Shabaab ay shalay la beegsadenn saldhigga Howlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee ay ciidanka nabad ilaalinta ee Burundi ku leeyihiin Shabeellada Dhexe, Soomaaliya.

Xog-hayaha Guud waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadki geeriyooday, iyo sidoo kale Dowladda iyo Shacabka Burundi. Waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajaynayaa kuwi ku dhaawacmay.

Xog-hayaha Guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS; waxa uuna aad uga mahadcelinayaa shaqada ay hayaan iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo ammaanka Soomaaliya

رXog-hayaha Guud waxa uu mar kale carrabka ku adkeeyey codsigiisii ahaa in Beesha Caalamku bixiso dhammaan taageerada muhiimka u ah ATMIS iyo ciidanka ammaanka Soomaaliya dagaalka ey kula jiraan Al-Shabab.

 

You may also like