Home » Communiqué attribuable au Porte-parole du Secrétaire-Général – sur la Somalie

War-Saxaafadeed Uu Soo Saaray Af-Hayeenka Xog-Hayaha Guud ee Qm- oo Ku Saabsan Soomaaliya

by Alex Kithumbu

6da Maajo

Stéphane Dujarric, Af-Hayeenka Xog-Hayaha Guud

Xoghayaha Guud ee QM ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Al-Shabaab ay shalay la beegsadenn saldhigga Howlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee ay ciidanka nabad ilaalinta ee Burundi ku leeyihiin Shabeellada Dhexe, Soomaaliya.

Xog-hayaha Guud waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadki geeriyooday, iyo sidoo kale Dowladda iyo Shacabka Burundi. Waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajaynayaa kuwi ku dhaawacmay.

Xog-hayaha Guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS; waxa uuna aad uga mahadcelinayaa shaqada ay hayaan iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo ammaanka Soomaaliya

رXog-hayaha Guud waxa uu mar kale carrabka ku adkeeyey codsigiisii ahaa in Beesha Caalamku bixiso dhammaan taageerada muhiimka u ah ATMIS iyo ciidanka ammaanka Soomaaliya dagaalka ey kula jiraan Al-Shabab.

 

You may also like