Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa loo magacaabey Wakiilka Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Howl-galka Ku-meelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ayaa Danjire Souef xilkan u magacaabay 1-dii Sebtembar 2022.
Danjire Souef oo ah Wakiilka Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Madaxa Howgalka ayay shaqadiisu tahay korjoogteynta howlaha ciidanka Midowga Afrika Militari iyo Boolis iyo sidoo kale shaqaalaha rayidka ah. Sidoo kale waxuu horboodaa sidii ay ATMIS u fulin lahayd qorshaha kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo cadeynaya sida ay ATMIS si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga ugu wareejin lahaayeen ciidamada Soomaaliyeed bisha Disembar 2024.
Inta aan xilkan loo magacaabin, Danjire Souef wuxuu ahaa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafan ee Gobolka Gao ee dalka Mali (MINUSMA). Danjire Souef oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros. Danjire Souef ayaa sidoo kale horey u soo noqday Madaxa Hawlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Gobolka Darfur (UNAMID). Wuxuu sidoo kale ahaa Safiirka Comoros ee Mareykanka iyo Wakiilka Joogtada ah ee Comoros u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
Danjire Souef oo fulinaya waajibaadkiisa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa ATMIS, wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka iyo hey’adaha maxalliga ah si ay u taageeraan hirgelinta Qorshaha Kala-guurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhisidda ballaaran ee Soomaaliya. Wuxuu kaloo si dhow ula shaqeynayaa Urur Goboleedka IGAD iyo saaxiibada kale ee labada dhinac iyo kuwa badan, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub.
Danjire Souef wuxuu wax ku bartay Akademiyada Tababarada Arrimaha Dibadda ee dalka Pakistan; Jaamacadda Islaamiga Madiina ee dalka Sacuudiga; iyo Jaamacadda Siidii Mohammed ee dalka Morocco.
Waa qoraa leh shan buug oo la daabacay oo uu kaga warbixiyey doorkiisa siyaasadda iyo juqraafiyadda siyaasadda.