Waxaan maanta wax ka soo qorayaa Soomaaliya, oo ah qaran ku socoda waddo muhiim ah, oo hadda ka naaloonaaya xaqiiqooyin 15 sano ka hor u ekaa in aysan suurto gal ahayn.
Waxaan doonayaa in aan xuso walaaltinimada Afrikaanimmo ee garab istaagtay, siina socotay markii ay wax walbo ula muuqdeen beesha caalamka in aysan suurto gal ahayn oo aan laga soo kaban karin. Waxaan bogaadinayaa dowladaha Afrikaanka ah ee doorbiday in u dhabar adaygaan dhibta kasoo gaartay geedi socodka lagu baadigoobaayay nabadda, amniga iyo xasilinta Soomaaliya.
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, ayan dib uga milicsanayaa safar soo billowday bishii March ee sannadkii 2007-dii, markaas oo cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada Midowga Afrika ee ka socday Yuganda ay yimaadeen Soomaaliya, taas oo ay dad badan rumeysnaayen in ay ahayd hadaf qar-iskatuur nimo oo xambaarsan rajo-xumo. Xilligaas, Soomaaliya ma ahayn oo keliya mid la daalaa dhacaysay ammni darro ee waxay sidoo wajahaysay gaajo iyo nafaqo-darro ka dhalatay dagaallo sokeeye oo daba-dheeraaday.
Yuganda waxa kusoo biiray Burundi bishii December 2007-dii. Labadan dal waxay galeen dhufeys, xilli ay jirtay xaaladihii ugu halista badnaa ka hor inta aanay Jabuuti kusoo biirin December 2011-kii. Ciidamada Kenya iyo Itoobiya, oo si gooni gooni ah u haystay dhufaysyada xuduudahah ay la wadaagaan Soomaaliya, ayaa markii dambe iyagana kusoo biiray AMISOM bishii Febraayo 2012-kii iyo Janaayo 2014-tii, sidaa oo ay u kala horreeyeen.
Ciidamada Midowga Afrika waxay haysteen waajibaadki shaqo ee ugu horeeyay oo ay ku taageeraayen laamaha dawladdii ku meel gaarka ahayd, laguna fulinaayay Qorsha Qaran oo Amni, tababarka ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo in ay abuuraan jawi ku habboon bixinta gargaarka bini’aadantinimo. Dadaalladan ayaa intaas ka dib isku badalay laguna soo kordhiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, kuwaasi oo laga saaray dhulal ay sanado badan haysteen oo ay ka dhigteen goobo ay ciidankooka ku qortaan kuna tababaraan iyo goobo ganacsi si ay ugu fududeystaan hawlahooda iyo waliba in ay kasoo maleegaan weeraro ay kusoo qaadan dadka ay ehelka yihiin iyo dumarka.
Maanta, waxaan si gaar ah ugu faaneynaa in aan aragno dadka Soomaaliyeed oo horumar ka sameynaya weliba meelaha sida gaarka ah ay uga dulmanaayen. Bal u fiirsada is-beddelka ku yimid garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, oo hore u ahaan jiray xaruntii Al-Shabaab, ee lagu askareeyn jiray laguna tababari jiray argagixisada, oo ay ahayd xarun laga fuliyo dilalka iyo sidoo kale mid lagasoo maleego qaraxyada iyo walxaha qarxa oo galaaftay nolosha dad badan sannadihii la soo dhaafay.
Waxaan ku hanweynahay in aan aragno dugsiyo iyo isbitaallo horay cidla u ahaa sannado badan, oo hadda la circiiraayo hawlo badan. Waxaan aad ugu faraxsanahay in baabuurta lagu dhex kaxaysanayo Muqdisho, oo mar astaan u ahayd dagaal iyo xanuun, balse hadda ah xarun dhaqaale, oo dhaqdhaqaaq badan oo ganacsi ka muuqdo. Waxaa an hada ka hadlaynaa dal uu ganacsigii gudaha iyo kan caalamiga ahba ay sare u kaceen, dekedaha iyo garoomada diyaaradahuna ay hawla badan badan ka jiraan.
Waxaan ka hadlaynaa dadka badan ee Soomaaliyeed, oo horay ugu barakacay gudaha iyo dibadda, balse hadda dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo oo ay dib udhiiskiisa ka qayb qaadanayaan. Maanta, dawladdii waagaas ka shaqayn jirtay Kenya, waxay awooddeeda ku fidisay dalka oo dhan, waxayna awood u yeelatay in ay doorashooyin ka qabato lixda maamul.
Soomaaliya waxay hadda leedahay hay’adaha amniga qaranka oo si tartiib tartiib ah ula wareegaya mas’uuliyadda amniga iyo badqabka dalka, ka hor inta aysan bixin ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Soomaaliya waxay hada joogtaa in ay wiilasheeda iyo gabdhaheeda u keceen iska caabinta caqabadaha jira, waxayna hadda hormuud u yihiin hawlgallo ciidan oo lagu baacsanayo cadowga dalkooda hooyo.
Waxaan u mahad celinayaa ragga iyo dumarka geesiyaasha ah ee Afrikaanka ah ee macno cusub u yeelay geesinimada. Ciidamadan ayaa la soo shaqa geliyay iyadoo ay dhacayaan rasaas xoogan iyo hoobiyeyaal, afduub badanna uu jiro. Raggan iyo dumarkan ayaa watey hub aasaasi ah, ma jirin wax awood-siin ah ama xoog ku kordhiya, waxaana ay ku hawlgaleen gawaari ay rasaastu karto. Waxay markhaati ka ahaayeen saaxiibadoodii oo naftooda ku waayay howlgallada, taas oo ah qiimaha ugu sarreeya ee ay ku bixiyeen dadaalladan; qaar badan ayaa ku naafoobay nolosha, laakiin way adkeysteen.
Waxaan u hambalyeynayaa madaxda Afrika oo ay aragtidooda noo suurtagelinaysa in aan ka hadalno Soomaaliya oo dib usoo kabanayso, oo kaalinteeda ka qaadanaysa fagaarayaasha gobolka iyo caalamkuba. Madaxdii u dhabar adhaygtay cadaadiska, qaadatayna go’aamada adag, kuna adkeysatay. Tani waxay dhiirigelisay ciidamadooda waxayna si qoto dheer u adeegsadeen miisaaniyada dalalalkooda si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.
Waxaan walaalaha Afrikaanka ah ugu baaqayaa in ay sii wadaan garab istaagooda Soomaaliya, iyo midba midka kale in uu garab unoqdo. Afrika u taagan Afrikada kale, si walaaltinimo ah.