Muqdisho – Soomaaliya ayaa ku yaboohday $10 milyan oo doolar si wax looga qabato caqabadaha saddexda ah ee kala ah Xaalufinta, isbeddelka cimilada iyo Dhibaatooyinka noolaha oo qayb ahaan keena burburinta nolosha iyo abuurista gaajada dalalka Geeska Afrika.
“Maanta waxaan si rasmi ah Soomaaliya uga daahfurnay mashruuca Hindisaha Darbiga weyn ee cagaaran (GGWI) waxaana ku dhawaaqnay ballanqaad maaliyadeed oo dhan 10 milyan oo dollar oo qeyb ka noqon doonta qoondada dalkeenna inagoo la kaashanayo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. , Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka hadlayey xaflada furitaanka hindisahaas maanta oo Khamiis ah kaas oo ka furmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Mashruuca Hindisaha Darbiga weyn ee cagaaran (GGWI) waa mashruuc ay hindiseen dalal Midowga Afrika. Waxa la aasaasay 2007dii, ujeedkiisuna yahey wax ka qabashada Xaalufinta, isbeddelka cimilada iyo Dhibaatooyinka noolaha iyada oo loo marayo suunka ballaadhan ee mashaariicda cagaaran ee Saaxil ilaa Geeska Afrika.
“in ay Soomaaliya daahfurto mashruuca Hindisaha Darbiga Weyn ee Cagaaran waa tallaabo muhiim ah oo cadeyneysa ka go’naanshaha dalkeena ee waxka qabashada isbeddelka cimilada iyo xaalufinta deegaanka taasoo dhibaato weyn u geystay dadkeenna,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan DFS, Hawlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamka.
Daah-furka ka dib, Soomaaliya waxay noqonaysaa waddankii ugu dambeeyay ee xubin ka ah Midowga Afrika ee ku biira Hindisaha Darbiga Weyn ee Cagaaran oo markii hore ka koobnaa 36 waddan oo ka kala socda Saxaraha, Saaxil, Geeska Afrika iyo Koonfurta Afrika.
Hindisaha Darbiga Weyn ee Cagaaran ayaa la filayaa in uu kor u qaaddo hirgalinta Hindisahii Madaxweyne Mohamud oo ahaa “Dib ucagaarinta Soomaaliya” oo ladaahfurey bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ahaa in la beero 10 milyan oo geed si kor loogu qaado bay’ada iyo u adkaysiga cimilada si ayna gacan ooga geystaan dhibaatoyiinka abaaraha soo noqnoqdey ee dalka ka jira.
Isagoo ku hadlayay magaca Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, Taliyaha Booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu, ayaa sheegtay in hawlgalku sii wadi doonto taageerada dadaalada ay DFS ku bixinayso in dalka dib loo cagaariyo.
“Guud ahaan howlgalka, ATMIS waxuu ansixiyey in arrimaha deegaanka ka mid noqdaan dhammaan howlaheena shaqo. Go’aanku wuxuu waafaqsan yahay ballan-qaadkii ATMIS iyo UNSOS (Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya) intii lagu jiray kalfadhigii 23-aad ee Golaha Hay’adda Tamarta Dib loo cusboonaysiinkaro ee Caalamiga ah ee lagu qabtay Abu Dhabi billowgii sanadka,” ayuu yiri Kanu.
“ATMIS oo taageero ka helaya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa horey u ballan qaaday inay beerayaan 30,000 geed kuna beerayaan 58 saldhig ka hor ka bixitaankeena u dambeeyaee sanadka soo socda,” ayuu ku daray Taliyaha Booliiska ATMIS.
Elvis Tangem, Iskuduwaha Hindisaha Darbiga Weyn ee Cagaaran ayaa ku tilmaamay daahfurkan mid taariikhi ah isagoo sheegey in Soomaaliya ay ku biirayso deriskeeda, Jabuuti, Itoobiya, iyo Ereteriya oo ah xubnaha aasaasay hindisahan – si loola dagaallamo saamaynta isbeddelka cimilada.
“Hadda waxaa la joogaa waqtigii ficilka, waxaan rabnaa inaan aragno dhammaan dadaallada dib u soo celinta oo ay sameeynayaan shaqsiyaad gaar ah, hayada aan dawliga aheyn, iyo dowlad, kuwaas oo dhammaantood loo hirgeliyay si mideysan oo ah – Hindisaha Darbiga Weynee Cagaaran ee Soomaaliya,” ayuu xusay Dr Tangem.
Wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya, Khadiija Al-Makhzoumi, ayaa sheegtay in hindisahan uu wax badan ka tari doono Dhibaatooyinka la xiriira isbadalka cimilada ee ay Soomaaliya wajaheyso.
“Waxaan rajeyneynaa in mashruucani uu wax badan ka tari doono sidii Soomaaliya looga caawin lahaa sidii ay uxalin laheyd caqabadaha haysta, oo ay ku jiraan jarista dhirta iyo dhibaatooyinka cimilada,” ayey tiri Al-Makhzoumi.
Afrika waxa ay si sii kordheysa u wajaheyso dhibaatooyinka ka imaanayo isbedalka cimilada, in kasta oo ay ka qayb qaadato sababaha keena isbedalka cimilada 4 boqolkiiba kaas oo ah gaaska hawada wasakheeya. Iyadoo la raacayo Hindisaha Darbiga Weynee Cagaaran, Midowga Afrika ayaa rajeynaya inuu soo nooleeyo wadar ahaan 910 milyan oo hektar oo dhul xaaluf ah marka la gaaro sanadka 2063, iyadoo leh hiigsi dhexe oo ah in dib loo soo nooleeyo 100 milyan oo hektar oo dhul ah oo hadda xaaluf ah, iyadoo dhimidoonta 250 milyan oo tan oo kaarboon ah iyo abuurista 10 milyan oo shaqo cagaaran sanadka 2030 guud ahaan gobolka Saaxil iyo dhulka qalalan ee qaaradda.