Home » Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhiirigeliyay in ay cilmiga xoogga saaraan si ay u horseedaan isbeddel qaran

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhiirigeliyay in ay cilmiga xoogga saaraan si ay u horseedaan isbeddel qaran

by Alex Kithumbu
ATMIS Somalia

Muqdisho, 10 Agoosto 2022 – Shirweynaha sanadlaha ah ee Sayniska, Teknolojiyadda, Injineernimada iyo Xisaabta (STEM) ayaa maanta oo Talaado ah lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho, iyadoo dhallinyarada Soomaaliyeed loogu baaqay in ay xoogga saaraan cilmiga si loo horseedo waddada uu dalku u marayo dib u soo kabasho iyo isbeddel waara.

Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay ururka Somali STEM Society iyo Hano Academy oo ah machad kor u qaada aqoonta oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, kaasoo dhalinyarada siinaya xirfado horumarineed. Shirweynahan ayaa waxa uu hal-ku-dheggiisu “STEM in Saamaynta Waarta.”

Munaasabadda ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo xalalka macluusha, isbeddelka cimilada, sinnaan la’aanta jinsiga, dhiirigelinta gabdhaha si ay u raacaan shaqooyinka STEM, isku xirka dhalinyarada iyo abuurayaasha shaqada, iyo horumarinta hababka hirgelinta xirfadaha STEM iyo waxbarashada si kor loogu qaado hawl-karnimada iyo hal-abuurka.

Dr. Sacdiyo Siyaad oo ah Agaasimaha Somali STEM ahna Guddoomiyaha Hano Academy oo gebagebadii shirka ka hadashay ayaa kula dardaarantay dhalinyarada inay noqdaan dad isbedel u horseeda dalkooda, iyagoo la imaanaya fikrado hal abuur leh oo u sahli kara inay noqdaan hal-abuur ganacsi. .

“Waxa aad maanta ka guul gaarteen waxay cadeyn u tahay geesinimadiina iyo in ka dhalinyaro ahaan aad dhab ahaantii la imaan kartaan xal hal abuur leh oo lagu xalliyo dhibaatooyinka joogtada ah ee aan la kulanno,” ayay tiri Dr. Sacdiyo.

Dr Sacdiyo waxay xustay in barashada Sayniska, Tiknolojiyada, Injineeriyada iyo Xisaabt (STEM) ay dhalinyarada ku kordhin doonto xirfado lagu wanaajinayo tayada nolosha, lana dardargelin doono horumarka lagu gaarayo yoolasha horumarka waara (SDGs), iyo in xal waara loo helo khataraha cimilada la xiriirta sida abaaraha iyo macluusha.

Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka kala socday Dowladda Federaalka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Somalia (ATMIS), Saaxiibada Beesha Caalamka, Aqoonyahano, Arday, iyo Wakiilo Ganacsato ayaa ka soo qeyb-galay shirka.

Madaxa Shaqaalaha Rayidka ah ee ATMIS, Kojo Brew Acquaisie, ayaa xusay in shirweynahan uu ku soo beegmay waqtigii loogu talagalay, uuna ku habboon yahay xilliga kala-guurka ee Soomaaliya, uuna waafaqsan yahay waajibaadka ATMIS, gaar ahaan kuwa horumarka joogtada u ah deegaanka.

Mr. Kojo ayaa xusay: “Qeyb ka mid ah qorshaheena kumeel-gaarka waxaa ka mid ah wareejinta mas’uuliyadaha amniga, wareejinta amnigana waxay keenaysaa wareejinta xarumahii shaqada. Wareejinta saldhigyadan waxay ka bilaabataa hubinta in deegaan ahaan munaasib ku yahay.”

Ka-qaybgalayaasha shirweynahan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin la qabsiga isbeddelka cimilada, xalka cusub ee fatahaadaha iyo abaaraha, iyo doorka barashada injineeriyadda ee horumar waara iyo dib-u-dhiska goobaha dagaalka saameeyey.

Mawduucyada kale waxaa ka mid ahaa isdhexgalka fanka STEM iyo waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarka, shaqo abuurka dhalinyarada, shaqo abuurka iyo maalgashiga maaliyadeed; haweenka/gabdhaha ku jira STEM; beeraha iyo sugnaanta cuntada iyo kuwo kale.

Mawduucyada kale waxaa ka mid ahaa isdhexgalka fanka iyo farshaxanka ee barnaamijka STEM iyo barashada farsamada gacanta iyo tababarka, shaqo siinta dhalinyarada, shaqo abuurka iyo maalgashiga maaliyadeed; ka qeyb-qaadashada haweenka/gabdhaha ee barnaamijka STEM; beeraha iyo joogteynta cuntada iyo kuwo kale.

Intii uu shirku socday, tiro dhallinyaro ah ayaa soo bandhigay hal-abuurro la xiriira barnaamijka STEM, waxaana dadka soo bandhigay hal-abuuro leh awood ganacsi ay heleen koob iyo abaal-marin lacageed.

You may also like