Muqdisho, 24 Maajo 2022 – Tababaridda ku-dhawaad 20 sarkaal oo militari oo la siiyay maaraynta dhaawacyada ka soo gaara howlgallada dagaalka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiishaasi ay ka kororsadeen xirfado la xiriira yareynta iyo ka hortagga khasaaraha dagaalka.
Tababbarka Gargaarka Degdegga ah ee Goobta Dagaalka (BEFA) oo socday laba maalmood ayaa waxaa fuliyay Hay’adda Miinada Qaramada Midoobay (UNMAS) iyo qandaraasle gaar ah oo lagu magacaabo Safe Lane Global.
Intii uu socday tababarka, saraakiisha Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxay barteen daryeelka aasaasiga ah ee dhaawacyada dagaalka, maareynta gargaarka degdegga ah, maaraynta dhibaatooyinka dhaawacyada, hagaajinta xalalka ku-meel-gaarka ah, soo saarista iyo daad-gureynta dhaawacyada.
Madaxa Warfaafinta Milliteriga ATMIS, Gaashaanle. Hans Nyange, ayaa sheegay in tababarrada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin in la fahmo dhulka, la yareeyo dhaawacyada, lana badbaadiyo nafta inta lagu jiro dagaalka.
“Marar badan oo lagu noqnoqdo, ku dhaqanka xirfadaha lagu bartay koorsadan waxa ay shaki la’aan badbaadin doontaa nolosha dadka safka hore ku jira. Waxa aan hubaa inaad leedihiin aqoon, xirfado, farsamo, iyo kalsooni aad ku qaadi kartaan tallaabada saxda ah ee looga hortagayo dhimashada goobaha dagaalka,” ayuu Gaashaanle. Nyange u sheegay saraakiisha, gabagabada tababarka.
“Waxa aan jeclaan lahaa inaan idinku boorriyo inaad kor u qaadaan fahamkiinna qeybtan idinka oo u maraya daraasayn dheeraad ah, maadaama tababarku uu yahay geedi socod joogto ah,” ayuu sii raaciyay.
Gaashaanle. Saheed Sadiiq oo ah Injineerka ciidamada ATMIS oo ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in uu qaatay aqoon qiimo leh oo looga baahan yahay dadka ugu horreeya wax ka qabanaya aagga dagaalka.
“Waxaan awoodnay inaan aqoonsanno kaalimaha ay tahay in aan ka qaadanno ka jawaabayaasha ugu horreeyo ahaan ka dib weerar ama ficil cadawga ka yimaada,” ayuu yiri Gaashaanle. Sadiiq. “Xirfadaha aan ka helnay tababarkan, waxa aan awood u yeelan doonnaa inaan bixinno daaweyn degdeg ah oo loogu talagalay dhiig-baxa daran, marinnada hawo-mareenka oo nadiif ah iyo ku caawinta neefsashada iyo hawo-siinta kuwa dhaawacmay.”