Home » Communiqué de Presse du Conseil de Sécurité sur l’attaque contre la Mission de Transition de l’Union Africaine en Somalie

War-saxaafadeed Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan weerar ka dhanka ah howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

6 MAAJO 2022

War-saxaafadeedka soo socda ee Golaha Ammaanka waxaa maanta soo saartay Madaxweynaha Golaha Linda Thomas-Greenfield (Mareykanka):

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa erayada ugu kulul ee suurtagalka ah ku cambaareeyay weerarkii foosha xumaa ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga Hawlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee ATMIS, saldhigga furunta hore ee Ceelbaraf, gobolka Shabeellaha Dhexe, 3 – dii Maajo.  Waxa ay ammaan huwiyeen ciidamada Difaaca Qaranka Burundi ee naftooda ku waayay iyagoo gacan ka geysanaya  nabadeynta iyo xasiloonida Soomaaliya, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u direen ehelada dadkii ku dhintay, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, waxa ayna bogsasho degdeg ah u rajeeyeen dadka dhaawacmay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa muujiyay taageeradooda buuxda dadaalka ay DFS iyo ATMIS ku doonayaan inay kula dagaallamaan khatarta ka imaaneysa Alshabaab. Waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta guulaha ilaa hadda laga diiwaan geliyay Soomaaliya iyo kor u qaadista awoodda taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo ATMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in lala xisaabtamo diyaariyayaasha, abaabulayaasha, maalgeliyayaasha iyo taabbageliyaasha falalkaas argagixisanimada ah ee aan la aqbali karin, lana horkeeno sharciga. Waxay ku boorriyeen dhammaan Dowladaha si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada la xiriira ee Golaha Ammaanka, in ay si firfircoon ula shaqeeyaan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale dib-u-xaqiijiyay in argagixisanimada nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda ay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah. Waxa ay ku celiyeen in dhammaan falalka argagixisanimada ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo gasha. Waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dawladaha ay si kasta ula dagaallamaan, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale si waafaqsan sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada, iyo xeerarka khataraha ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah ee ay sababeen falal argagixisanimo.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dib u xaqiijiyay  ixtiraamkooda ay u hayaan Xorriyadda, Madaxbanaanida Siyaasadeed, Midnimada Dhuleed iyo Midnimada Soomaaliya.

You may also like