Sarreeye Guud Sam Okiding aya la wareegay xilka Taliyaha Ciidanka ATMIS 17-dii Maajo 2023. Ka hor inta aan xilkan loo magacaabin, waxa uu ahaa Taliye Ku xigeenka, Ciidamada lugta ee Ciidamada Difaaca Qaranka Yugaandha (UPDF) oo uu ahaa ilaa Nofeembar 2022.
Waxa uu ku dhashay Magaalada Kasilo ee degmada Serere ee dalka Uganda 9-kii Maajo 1962, isagoo ku biiray ciidanka 1980-kii kuna gaarey darajada sarkaal 1989kii. Sarreeye Gaas Okiding waxa uu soo qabtay darajooyin kala duwan intii u ka tirsanaa ciidamada Yugaandha ee qaybta madaafiicda. Darajooyinkii uu soo marey ayaa u dhexeeyey Taliyaha Guutada Madaafiicda ilaa iyo halka ugu sareysa ee Taliyaha Guud ee qaybta madaafiicda, xilkaas oo uu hayay 2010-kii ilaa 2021-dii.
Sareeye Guud Okiding kuma cusba hawlaha nabad-ilaalinta iyo hawlgallada la dagaallanka fallaagada. 2015-ta ilaa 2017-da waxaa uu ahaa Taliyaha Ciidamada Yugaandha ee qaybta ka ahaa Hawlgalkii AMISOM. Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay Hawlgalka loo yaqaan ‘Mwisho’ 1 iyo 2 ee Koonfurta Suudaan ee lagula dagaalamayey falaagada LRA 1995-ta ilaa 1998-dii isagoo ahaa Taliyaha Ciidamada Madaafiicda. Waxa uu ka qayb qaatay hawlgalkii ‘Safe Haven’ ee ka dhanka ahaa Ciidamada Isutagga ee Difaaca (ADF) ee wadanka Koongo 2000 ilaa 2003-dii. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay Hawlgalkii ‘Lightening Thunder’ ee ka dhanka ahaa LRA ee deegaanka Garamba ee dalka Koongo, Koonfurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika intii u dhaxeysay 2010 – 2011-kii, iyo kuwo kale oo badan.
Sarreeye Guud Okiding waxa uu shahaadada heerka koobaad ee Jaamacadda ee BA ee Xiriirka Caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Berkley iyo Shahaado Diploma ah oo Cilmiga Kombiyuutarka ka qaatay Kulliyadda Maareynta Xirfadaha ee Boqortooyada Ingiriiska. Waxa uu isla kuliyadaa ka qaatay Shahaado Diploma ah oo Maamulka Ganacsiga.