Home » Communiqué de presse de la 1081ème réunion du CPS sur l’attaque d’Al Shabaab contre une Base d’Opérations Avancée (FOB) de la Mission de Transition de l’UA en Somalie (ATMIS) dans la région de Middle Shabele, au sud-ouest de Mogadiscio, le 3 mai 2022

War saxaafadeedka kulanka 1081-aad ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo looga hadlay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Furunta Hore ee Howlgalka ATMIS ee gobolka Shabeellaha Dhexe

by Alex Kithumbu
ATMIS PRESS-STATEMENT-1

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) oo kulankoodii 1081-aad ee qabsoomay 4-tii Maajo 2022-ka, uga hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Howlgalka ee Furin-horaadka Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS), Gobolka Shabeellaha Dhexe, ee dhaca Koonfur-galbeed ee Muqdisho, 3dii Maajo 2022.

Goluhu wuxuu dhegeystey kelmadaha furitaanka ee Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Cameroon u fadhiya Midowga Afrika, ahna Guddoomiyaha PSC ee bishan Maajo 2022, H.E. Danjire Churchill Ewumbue-Monono, hadalka uu jeediyey Ergayga Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Burundi u fadhiya Midowga Afrika, H.E. Danjire Willy Nyamitwe iyo warbixin kooban oo xog-siin ah oo uu jeediyey Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, H.E Danjire Francisco Madeira.

Goluhu wuxuu soo dhoweeyay War Saxaafadeedka Guddoomiyaha Guddiga Maamul ee Midowga Afrika, H.E. Moussa Faki Mahamat uu soo saaray 3-dii Maajo 2022, wuxuuna dib u xasuusiyay dhammaan go’aamadii Midowga Afrika ee xaaladda Soomaaliya iyo Howlgalka ATMIS, gaar ahaan War-murtiyeedka [PSC/PR/COMM.1075(2022)] ee uu Goluhu ku meel mariyey shirkiisii 1075-aad ee qabsoomay 12-kii Abriil 2022.

Goluhu wuxuu si kulul u cambaareeyey weerarkii waxashnimada iyo fulaynimada ahaa ee Ciidamada Burundi ee ATMIS, qaybta 5-aad, ay kala kulmeen kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab, waxayna uga digeen kooxda argagixisada ah in weerarkani aanu hoos u dhigi doonin dadaalka iyo hawlgallada ATMIS. Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in Midowga Afrika uu weli yahay mid ay ka go’ans tahay in uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si meesha looga saaro khatarta Al-Shabaab iyo in la sii wado horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Goluhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo shacabka Burundi, gaar ahaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen ciidamadii ku dhintay weerarka, waxayna caafimaad degdeg ah u rajeeyeen dhammaan askarta ku dhaawacmay. Goluhu waxa uu ammaanay ciidammada Difaaca Qaranka Burundi ee sameeyey naf-hurnimada ugu sarreysa ee gudashada waajibaadkooda ka saaran nabadda Soomaaliya, gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Goluhu waxa uu sidoo kale amaan u soo jeediyey dhammaan wadamada ciidamada iyo booliska ku qaaraamay (T/PCC) ee ka howlgala ATMIS  iyo gaar ahaan, dhamaan ragga iyo dumarka ka hoos shaqeeya Howlgalka KMG ah ee ATMIS, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda, waxa uuna ku dhiirigaliyey in ay adkaystaan inta Al-Shabaab laga tirtirayo guud ahaan.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha ilaa hadda laga diiwaan geliyey Soomaaliya, iyo sidoo kale dardargelinta dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyadoo kor loo qaadayo awoodda ama mugga ATMIS, oo ay ku jirto in howlgalka looga faa’ideeyo dhammaanba agabyada muhiimka ah ee dhinacyada, qalabka, farsamada iyo dhaqaalaha, taas lagu darayo waxyaabo awood-kordhiyeyaal ah ama badinaya ciidamada, si ay awood ugu yeeshaan inay si hufan u gutaan waajibaadkooda. Goluhu wuxuu isku raacay in si firfircoon loo sii wado howsha.

You may also like